Milan oo ku guulaysatay Horyaalka Talyaaniga.
Naadiga AC Milan ee uu leeyahay R/wasaaraha Italy S.Berlaskoni ayaa ku guulaystay hanashada horyaalka talyaaniga, kadib markii ay barbardhac lagashay kooxda Roma ee ka dhisan caasimada Talyaaniga.
Barbaradhacan oo ku dhamaaday 0-0 ayaa ugu filnaa naadiga Milan inay hanato koobka (Iskudeete) ee horyaalka yurub iyaga oo fiidnimadii xalay ku dabaal dagay garoonkooda Sansiyeero halkaasi oo ay ka dhacday ciyaarta dhexmartay labada naadi.
Waxaana uu nadiga AC Milan dib usoo xasuusanayaa 5 sano kadib hanashada koobkaasi oo aysan qaadin ilaa iyo xilli ciyaareedkii 2005-2006 xiligaasi oo intii kadanbeysey uu koobkani meel ugu xirnaa naadiga Inter Milan.
Manchester United Vs Chelsea
Dhinaca kale waxaa wali socda herdanka adag ee loogu jiro hanashada horyaalka Primier League Ingiriiska. Waxaana ciyaartii ugu adkayd ee horyaalkaasi ay dhici doontaa manta oo axad kadib marka ay fooda isdaraan kooxda hogaanka haysa ee Man utd iyo kooxda kula loolamaysa ee Chelsea.
Ciyaartan oo ka dhici doonta gegida (Old Trafford) ee ree Man UTD ayaa waxa ay kala cadayn doonta cida hanan doonta koobka madaama cida kulankan badisa ay si rasmi ah hogaanka u qabanayso.
Ciyaartan oo ay kakala hadleen labada tababare ee Ancaloti iyo Ferguson ayaa mid waliba uu sheegay in uu isku dayayo in uu badiyo ciyaartan si uu u hanto horyaalka Ingiriiska
Natiijooyinka Ciyaarihii Dhacay maalinimadii Shalay iyo Xalay
Horyaalka Ingiriiska
Everton 2-1 Mancity
Aston Villa 1-1 Wigan
Bolton 1-2 Sunderland
N Castle 2-1 B. City
W.Utd 1-1 B.Rovers
Horyaalka Italy
Palermo 2-1 Bari
AC Milan 0-0 AS Roma
Horyaalka Spain
Savila 2-6 Real Madrid






