Natiijooyinka Ciyaarihii ugu muhiimsanaa 11-May-2011
Mancity Vs Tottenham (1-0)
Waxaa fiidnimadii xalay dhacay kulan baaqi ah oo katirsanaa horyaalka Ingriirksa ee Primier League-ga. Ciyaartan oo ahayd mid darbi ah oo aad loo wada sugayay ayaa waxa ay u dhaxaysay kooxaha Mancity iyo Tottenham iyada oo kulankani uu kala saarayay cida horyaalka uga qaybgalaysa Yurub sanadka soo socda ee 2011-2012.
Ciyaartan oo u badnayd weerar iyo weerar celis ayaa gool si khaldan waxaa isaga dhaliyay ciyaaryanka Peter Crouch oo usafta kooxda Tottenham.
Isbadal ciyaaryahanadda ah iyo waliba shaxda oo u sameeyey tababare H. rednap ayaa haafkii danbe ee ciyaarta ay awood xoog leh la soo baxday Tottenham hase ahaate natiijada ayaa ku dhamaatay Mancity oo ku gulaysatay 1-0
Palermo Vs Milano. (2-1) Agg (3-2)
Labadan kooxood oo ka wada dhsian horyaalka Italy ayaa u tartamayay koobka looyaqaan (Coppa Italia) oo ay Semi-final ay wada joogeen kooxaha (Milan, Inter, Roma, iyo Palermo).
Kulamadan oo lugtoodii hore ay dhacday asbuucyadii lasoo dhafay ayaa Milan waxa ay ku barbaraysay gurigeeda oo ay ciyaartu ku dhamaatay 1-1.Halka kooxda Inter ay ku badisay (1-0) guriga Roma.
Hase ahaatee kulankii danbe ee ay Palermo marti galisay Milan ayaa kudhamaaday (2-1) oo ay final ku tagtay kooxda Palermo. Ciyaartana waxa ay ahayd mid aan hafkii hore wax goolal ah laka ladhalin hase ahaatee hafkii danbe ayaa kadhka cas loo tagay ciyaaryahan V. Bomel oo ka tirsan Milan, taasi oo usahashay in 2 gool dhaliso kooxda Palermo.
Kaadhadhka cas intaa kuma istaagine waxa siira wada ciyaartuna uu kaadh cas u taagay ciyaaryahan C. Bovo oo ahaa ciyaaryahankii saxiixay goolka labaad ee Palermo. Lakiin weeraro badan oo ay qaaday Milan waxa ay usuurta galisay in daqiiqadii 90-aad oo gool dhaliyo ciyaaryahan Z. Ibrahimovich.
Real Madrid Vs Getafe (4-0)
Kooxda Real Madrid ayaa cadcad u jarjartay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Getafe kadib markii ay ku marti qaaday gurigeeda S.Barnabeu. Ciyaartan oo uu xidigeedea ahaa weeraryahanka R.madrid ay ku dhaarato ee C. Ronaldo ayaa waxaa uu suurta gashay in uu dhaliyo 3 gool oo kamid ah ciyaarta, taasina waxa ay usahlaysaa in uu ka kormaro weeraryahanka reer Barca L. Messi oo uu xilligan 5 gool kasareeyo.
Sidoo kale waxaa goolka u dhaliyay naadiga Barcelona weeraryahanka reer France ee K. Banzeema taasi oo ka dhigtay natiijada ciyaarta in ay guusha ku raacdo naadiga oo R. Madrid oo ku badiyay 4-0
Suuqa Kala iibsiga Ciyaarhannada.
Taiwo iyo P. Mexes oo si lacag la’aan ah ugu wareegay Milan.
Naadiga hantay horyaalka Talyaaniga ee AC Milan ayaa si lacag la’aan ah ugu guulaystay in ay lasoo wareegaan labada ciyaarhan ee P. Mexes iyoTaiwo oo kawada ciyaara daafaca.
Ciyaaryahanka P.Mexes oo udhashay France kana soo wareegay Nadiga AS Roma ee horyaalka talyaaniga ayaa si lacag la’aan ah ku yimid naadiga Milan, halka Ciyaaryahanka Taiwo oo udhashay Nigeria ka yimid kooxda O. Marseille si lacag la’aan ah.
Waxaana lafilayaa in labadan ciyaaryahan ay xoojiyaan khadka daafaca Milan oo ahaa in dhawaydba mid liita.
Tevez oo aadi doona Horyaalka Italy
Dhanka kale, tababaraha kooxda Mancity Manchini ayaa shaaca kaqaaday in xidiga kooxdiisa oo xiisaynayo in uu ka ciyaaro horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkan soo socda.
Xiddigan oo ahaa xidigii ka qaybqaatay in Mancity ay timaado horyaalka Yurub Sanadka Soosocota ayaa waxa naadigiisu ay ku qanciyeen in uu qaato aduun lacageed oo aad u badan si uu usii joogo, hase ahaatee arintan ayaa noqotay mid aan mira dhalin isaga oo ugu danbayntii sheegay in uu jecelyahay in uu aado horyaalka Talyaaniga.
Ciyaaryahankan ayaa saxiixiisa waxaa ku dagaalamaya kooxaha Chelsea, Inter, iyo Real Madrid waxana uu mastaqbalkiisu si rasmi ah u cadaan doona marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaaryahannada
Ciyaaraha Caawa Dhici Doona
Italy - Coppa Italia May 11
20:45 Inter Milan VS AS Roma
Spain - Primera Division May 11
Almeria VS Villarreal
Levante VS Barcelona
Real Sociedad VS Zaragoza
Espanyol VS Valencia
Hercules VS Mallorca
Osasuna VS Sevilla







Comments