Galgala (SPR): Sh. Maxamed Siciid Atam ayaa sheegey in uu haatan ku suganyahay deegaanka Galgala ayaa sidoo kale ka warbixiyey dagaalkii ka dhacey deegaanka Galgala isagoo yiri “Ciidamada markii hore waan fur furney oo kuwii caqliga lahaa way isaga baxeen, intii macangaga ahayd markii ay isu soo hareen waxaan go’aansaney inaan dharbaaxo ku dhufano, waana ku guuleysaney” ayuu yiri Sh. Maxamed Siciid Atam.
Idaacada SPR ayaa su’aal ka weydiiyey Sheekha qadiyada dhabta ah uu ku dagaalamayo waxay tahay isaga oo cadeynaya. Maxamed Siciid Atam ayaa waxaa jawaabtiisii kamid ahaa “Qadiyadu waa wax waadax ah, anaga waanalagu soo duuley, cida nagu soo duushey ayaa ula jeedo leh, ujeedooyinkoodana waxaa kamid ah in ay anaga dhulka naga raraan oo ay macdanta iyo kheyraadkana la baxaan”
Sheekh Atam oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegey in ay arintaasi cadeyn u tahay “haday PL ssheegeen guul in ay gaareen Galgala isla markaana nasoo afjareen, maxay deegaanka uga bixi waayeen, oo ay shirkado shisheeya ah heshiisya ula galeen iyo in ay ciidankooda u tababaraan ayuu yiri.
Wariyeha SPR oo su’aashii marlabaad ku adkeeyey ayaa wuxuu weydiiyey Sheekhu in uu marar badan sheegey in meeshaasi laga qodayo macdan, iyo wuxuu arintaasi ku cadeyn karo. Atam ayaa sheegey in ay marqaati madoonta tahay in dagaalkan uu ka bilowdey “Majiyahan” kadibna wajihii markii lagu guuleysan waayey, waji kale loo rogay oo la yiri argagixisaa ku jirta oo gaalo lacag looga soo qaatey, haatan mashaariicdii wiilasha loo baabi’inayo, markii ay ku dhintaan kuwa kale loo soo qorayo.
Atam ayaanu weydiiney in dagaalka Galgala raga hogaaminaya iyo qaar kamid ah kuwa ku dhinteyba in ay kasoo jeedaan Galbeedka gobolka Bari. Atam ayaa Idaacada Bulshada Soomaaliyeed u sheegey in la yaqaan cida dagaalka hogaaminaysa islamarkaana aysan u dhalan deegaanka. “wey jiri karaan dad yar oo calooshood u shaqeystayaal ah oo xitaa dadkii dhalay ayaa kuwaa ka quustey” ayuu yiri Atam.
Sh. Atam ayaa sheegey isagoo hadalkiisa sii wata “Nin walboo cadow ah cid la’aan ma socdo, oo wuxuu doonayaa dad tusa dhulka, wuuna helayaa calooshii u shaqeyste meelwalba wuu jiraa”
Sheekha ayaa waxaanu weydiiney in ay jiraan warar sheegaya in uu xiriir la leeyahay Alshabaab iyo dowlada kale oo shisheeya ah sida Eritriya.
Atam ayaa ku jawaabay “Nin daad qaadey, xunbo cuskey” isla markaana yiri kuwa hadalkaa yir waxay noo quuri waayeen guusha aan gaarney iyo mujaahidiintaa deegaankooda ku dagaalamaya guusha ay gaareen” isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri “kuwa nagu sheegaya Alshabaab iyaga ayaa naga xiga oo ay siyaasidi ka dhaxeysaa”
Atam ayaa waxaanu wax ka weydiiney dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Boosaaso oo lagu laayay dad badan oo ay ka midyihiin nabadoono iyo cuqaal. Arintaasi oo inta badan la idinku eedeeyo idinka maxaad uga jawaabi lahaydeen ayaanu weydiiney.
Sh. Atam ayaa SPR u sheegey in dilalka qorshey ay muhiim tahay in laga wada hadlo, waana arin kacdoonka Galgala ka horeeyey. Atam ayaa sheegey in dadkan loo tashadey oo dhinac walba loo laayay oo cuqaashii iyo wax garadkii laga laynayo, oo si walba loo laayay shaarwalbana loo soo xidhey. Atam ayaa ku nuuxnuuxsadey in aysan iyaga awood u lahayn dilalkaasi in ay fuliyaan.
Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa waxaanu weydiiney su’aalo kaloo badan.







Comments
Nimanka buurta iyagaa yaqaan siday isaga dhicin lahaayeen dhabayaco.
Marka xigta waxaan leenahay, HORDAAYOOW HURDADA ka TOOS, Meesha waad aragtaan waxaa loo socdaa in degaanka dadka degan laga xaalufiyo, iyo la og yahay khayraadka EEBE ku manaystey.
HORDAAYOOW hurdada ka toos, GURMAD DEG DEG AH waa in loo diraa SH ATOM Al MAAKHIRI.
ATOM for MAAKhir President!!!
HAMBALYO SH ATOM AL MAAAKHIRI IYO MUHAAHIDDIINTA LA SOCDA
VIVA SH ATOM ALMAAKHRI
DABA DHILIFKU HA DHACO
waxaan dhamaan umadan u sheegayaa ninkan atam ah hadii uu daacadyahay muxuu markii hore ehelkisa ula tashan waaye. dhahar iyo badhan u iman waaye ama deegaanada kale uu reerku dego. muxuu suldaanka ula tashan waaye suldaan siciid? ma ninkaliya ayaa halgan iska gala? waa in uu dadka la tashadaa.
Halkaa ka wada dadaalka aad ugu jirtaan reer Puntland, qofkasta waa arkaa wana ka warqabaa Dagaalka ka socda Galgala in faroole ku khaldanaa.. Atam waxaan leeyahy Sxb GO GO GO Caawa Laag baan kaa sugaynaa iyo sidii faroole uga duuli lahaa Gegeda diyaarahada ee Boosaaso...
AHMED DICOAhmed Dico