Dhahar (SPR): Munaasabada Koobka Nabada oo ah koob loogu talagalay kooxaha heerka koowaad ee gobolka Haylaan isla markaana ay soo abaabushey maalna galineysa Idaacada Somali Public Radio (SPR) ayaa waxaa munaasabadiisa maanta xadhiga looga jarey xarunta gobolka Haylaan ee degmada Dhahar. Waxaa kasoo qeyb galay koobkan madax ka mid ah madaxda Puntland heerar kala-duwan, hay'ada maxaliga ah, ururada bulshada gobolka, iyo bulshaweynta kala duwan. Waxaa koobkan ka qeyb qaadan doona kooxaha heerka koowaad ee kala ah (Golis, Telecom Puntland, SPR, White House, iyo New Galgala).
Waxaa goobtaasi ka hadley wasiirka xanaanada xoolaha ee maamulka Puntland Siciid Xassan Shire oo amaan usoo jeediyey Idaacada SPR oo qabatey koobkan sidoo sheegey in kooxaha Dhahar ee heerka koowaad ay soo qaadeen koobab badan oo ay horseed u yihiin kubada cagta ee Puntland. Wasiirka ayaa sidoo kale ku booriyey nabada dhalinyarada iyo waliba in ay qeyb ka qaataan nabadgalyada Puntland.
Waxaa xusid mudan in kooxda SPR ay qaadey koobkii duumada aduunka ee magaalada Boosaaso bishii April 2011 (HALKAN RIIX). Sidoo kale in ay idaacada SPR qaban doonta koob u dhexeyn doona degmooyinka 4 gobol (Karkaar, Sanaag, Bari, iyo Haylaan) iyadoo arintaasi la shaacin doona waqtiga koobkan markuu dhamaado.
Waxaa ugu dambeyntii cayaar qori tuur ah oo isla markaana saaxiibtinimo ah halkaasi ku cayaarey kooxaha Telecom Puntland iyo SPR waxay ku dhamaatey bareejo (Eber iyo Eber). Cayaarahan oo loogu talagalay nabada iyo isdhexgalka ayaa waxay si toos ah u furmi doonaan maalinta Sabtida ah ee kowda Bisha July oo ah maalin kuweyn ummada Soomaaliyeed.
HOOS KA DHAGEYSO CODKII BARNAAMIJKA






























Comments
Puntland maanta waxay u baahantahay.. badbaado iyo in Bulshadu is dhexgesho oo cadowga ku dhexgabanayana la iska qabto.
Happy Independence Day To all of you! 1 LUULYO 2011