Banner
Saturday, August 13 2011

Caqabadaha Horumarka Maakhir

Written by Yasin Muuse Cali

Walaalayaal qoraalkaygan waxan uga hadli doonaa waxyaabaha caqabadaha  ku ah horumarka maakhkir?. Sida aynu la wada socono dawladii wadanka ka burburtay waxa ay dhaqaale badan gelisay magaalada muqdisho oo kali ah. Iyadoo aan dalkla intiisa badan waxba ka qaban, tusaale ahaan adeegyada intooda badan waxaa  loodoonanjiray muqdisho, haday ahaato tacliin iyo caafimaadba, shakhsiyad ahaan anigu maba aaminsani in dawladi deegaanka maakhir ka burburtay, Maxaa yeelay dawladu wax saamayn weyn ah kuma lahayn gobolka sanaag; xag siyaasadeed iyo xag horumarba.

Hadaba markii ay burburtay dawladii muqdisho.qayba badan oo somaaliya ah oo deegaankeena kaga liitay xaga horumarka, waxaa si habsami lah uga bilwaday horumar aad u wayn oo aan looga baran xiligii dawladu jirtay, gaar ahaan xaga  adeegyada bulshada ee kala duwan gaar ahaan waxbarashada heerka sare jaamaacadaha, hopitalska, isgaarsiinta. Haayadaha caalamka oo toos uga hawlgala oo bixiya tababaro iyo mashaariico horumarineedba.inta aanan u gudbin caqabada horumarka maakhir aan wax ka xussusano.

Xaalada nabadgelyo,siyaasadeed iyo Environmentiga deegaanka maakhir.

Dhul aahaan deegaan maakkhir wuxuu ka koobanyahay, bad iyo beri aad u balaadhan , deegaanka maakhir waxa uu ku haboonyahaydaaqsinta/xoolo dhaqashada, beeraha, kaluumaysiga waxa kale oo deegaanku uu gaarla yahay buuro macaadin kaladuwan ay ka buuxdo.

 

Degaana wanaaagiiska ka sokow,Waxaa wax lagu farxo ah in dadweynaha reer maakhir in ay ku guulaysteen xasilinta nabadgelyada gobolka, tusaala ahaan sanandkan aynu ku jirno 2011 waxaa magaalada laasqoray ka dhacay hal faldambiyeed oo kaliya oo ahaa kii haayada Hornrelief loo gaystay. Degaanka maakhir kama dhacaan dagaalo qabiila,ama kooxo u dhexeeya, sidoo kale deegaanka maakhir kama dhicin falal burcadnimo, ha noqoto mid xaga berriga iyo baddaba. Is qarxinta oo soomaliya caanka ka noqotay degaanka kama dhicin.

Faldanbiyeedyada sanadkan ka dhacay degaanka maakhir aad ayay uga hooseeyaan Marka la barbar dhigo magaalooyinka bosaaso iyo galkacayo. Markii aan dhinacyo badan ka fiiriyay caqabadaha hurumarka maakhir waxaa ii soo baxday in horumarka gobolka ay caqabad ku yihiin laba arimood, mida koowaad oo ah  dadweynaha reer maakhir oo aaminay inaysan wax qabsan Karin islamarkaasna eedeeya maamulada degaanka la deriska ah sida Puntland iyo S/land. arinka labaad ee caqabada ah ee larabo inaan ku baraarugno waxa weeye haayada caalamiga ah oo deeganka ka bixiyay false report, warbixin aan sax ahayn, isla markaasna deegaanka ku sheegay inuu yahay mid aan nabdoonayn.

Hadaba akhristow yaa masuuliyadaas la dayacleh ma reer maakhir mise puntland iyo s/land. anigu p/land iyo s/land midna kuma eedeyanayo caqabadaha horumarka maakhir. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa nimaan hadlin hooyadii qadisay waxan ku soo gebagebaynaynayaa dadwayna reer maakhir, sida aqoonayahanka iyo wax garadka ayaa laga raabaa inay caalamka toos ula xiriiraan oo codsigooda u qortaan.

Yasin Muuse Cali

Comments 

 
0 #6 Ahmed A 2011-10-03 21:35
salaan kadib walaalayaal reer maakhar waa
Hadlaan waana cawdaan waxaana ugu wacan labadaas Hadaad Degaanka maakhar Dib ujaleecdo waxaad ku Arkaysaa 20 jir 30 jir intuu seexdo 3:00Am subaxnimo 4:00pm
soo kacaya oo maatada ku dilaya maxaan cunaan Kadibna intuu sandaqadaha fadhiisto dhaha faroole waa anqadiyey ,Siilaanyo Riyaalaa dhaamey
oo Adigu naxariista ka Qade sowtaad Seexatay 3:00Am soona kacday 4:00pm matadana ku Dileysey maxaan cunaan
markaa maakharey Haybadeenu waa Hadal iyo cabasho Reer kale laga cawdo
war dhaqankaa hala Bedelo oo Dadka ama Beelaha lacaayayo Halala Tartamo
Caqli iyo Cududba
Hana layka daayo Canbaaraynta Beenta ah ee aad Halyeygiina aad umaqashaan mid cunaya yar kawaayey oo nimanyohow iska daaya Ficilka Doofaarka
nin walow sidaad Af soomaaliga utaqaan ufasilo

mahadsanidin
Quote
 
 
+1 #5 Walee Waa Been 2011-09-30 20:36
Warsangaligu wuxu midnimadda ka doortay reer reer in u ku hadho. Waxaan nahay reer sheegtay Suldaan iyo Garaad iyo kuwa Caaqil sheetay. Ma cid baa cid ka fiican bay ku leeyhiin. Halkaa bay wali taagan tahay.Dad aan talo hayn baa talo loo dhiibay. Arinkooduna wuxu noqday qawda maqashii waxna haw qaban. Hadii cid horumar gaadhayso waxaan qabaa in ay yhiin reerka tolkayga ah ee Dubays. Warsangali iska dhaaf in ay meel gaadhaan qofkii madaxa la kacaba oo damca in u wax u qabto iyagaa sida maska madaxa uga dilaya. Tusaalena waxa idin ku filan gabadhi lacagta u qaybin jirtay oo ay yiraahdeen way na dhacday waa tuugo. Ma kuwaas baa midnimo laga sugaya. Kuwa garan waayay qofka wanaagiisa hore baa xumaantiisa danbe lugu dhaafaa. Walee anigu xero Warsangali xaasid halkaa baan ka maray. Waxaan oran lahaa Culimadan Warsangali ee hurda kuwa laga rabay in ay dadka hogaamiyaan hurdada ka kaca. War miyaan ceeb ahayn in ay idin taliyaan kuwa aan talo aduun iyo mid akhroba hayn
Quote
 
 
-2 #4 wadani 2011-09-28 21:31
WAXAAN JECLAHAY INAAN KA IRAAHDO HALKAAN WAR YAR OO KOOBAN,
UMAD KASTABA WAXAY MEEL FIICAN IYO HORUMAR KU GAARTAA WAA MIDNIMADA IYO ISKU DUUBNIDA, INAGOO OG DADKII SOOMALIYED SIDAY UKALA QAYBQAYBSAMEEN AYAA HADANA SII KALA QAYB QAYBINAYSAN OO AWAL SHEKADU WAXAY AHAYD AYNU KA WADA SHAQAYNO INAAN KU MIDOWNO MAAMULKA AY WADA DHISTEEN DADKA HARTIGA LAYIRAAHDO BALSE HADA AYAAD MEESHA KEENTEEN WAX KALE OO AH SII KALA JABJAB IYO MAAKHIR STATE WAR BAHASHA SIDA KA DAAYA NIMANKIINAAS MAGACAAS SHEEGANAYA OO PUNTLAND AWOOD IYO TALOBA WAADKULEEDIHIIN E TAAGEERA OO ISKA DAAYA KHILAAFKA IYO BALAAYADA,
NINKA DHAHAAYA WIIL REER MAAKHIR WAA ADIGA DHAHAAYA MAAKHIR WAA WADAN ISKU FILAANKARA HORTA BARO WAXA LAYIRAAHDO ISKU FILAANSHAHA SOMALIYA OO IDIL AYAABA ISKU FILAANKARIN HADII AYSAN KU TIIRSANAYN SAAXIBO IYO ALIANCE,
HALOO SOO JEESTO MIDNIMADA UMADA INTII LAKALA QAYBIN LAHAA,
S/CALAYKUM
Quote
 
 
+2 #3 2011-09-08 20:28
Dad magaca ku shaqo tagay weeye.
Quote
 
 
-2 #2 2011-09-06 15:56
aniga oo ah wiil reer maakhir waxaana leeyahay magaca kor kuxusan waxaan salamaya dhaman dad weynaha reer maakhir aniga waxaan aamin sanahaay in wadanka maakhir hadii uu helo rag maamula oo muwaadiniin ah waa wadan isku filan oo dhamays tiran dhanka bada xoolaha ganacsiga luubaan beeraha shidaalka macdan luulka waxa kabuuxa kheyraadwaxaa uu kuyaalaa istara tiig ah marka aniga waxaan si aada ugu warhayaa dhalinta deegaanka maakhir waxay diyaar uyihiin inay wax uqabtaan wadankooda waxayna diyaa uyihin inay sugaan amaanka dalka naftoodana u huraan haye ahaa wadanka meesha uu ka istaagi la yahay waa wax garadka wa weyn aniga si gaar wax u tilmaami maayo waayo dadka waa weyn waa lakaraameeyaa
Quote
 
 
+4 #1 2011-08-21 14:34
Allah SW wuxu yiri لا يغير الله ما بقوم حتى يغيروا ما بأنفسهم. Hadii aan Warsangali nahay waxaan rabnaa nolol aad u fiican. Hadaba, su'aashu waxay tahay sidee nolol fiican ku helayaa qof aan u shaqaysan. Allah SW wuxu yiri وأن ليس .ًللإنسان إلا ما سعي Waxaan anigu og'ahay in ay Warsangali ku jiraan rag iyo dumar badan oo jecel in ay dadkooda wax u qabtaan. Haseyeeshee, dadkaas waxa hortaagan ma aha Somaliline iyo Puntaline ee waa dad Warsagali ah. ما أصابكم من مصيبة فبما كسبت أيديكم . Hadii aan runta idin sheego, anigu ma aaminsanay in u Suldaan, Garaad ama Caaqil wax idin qabanyo. Warsagaligu horumar gaadhi maayo hadii aanu ka hor tagin odayaash hor taagan wax qabadka Warsagali. Odayaasha ka shaqeenaya fitmada roobka loo waayay iyo kala qaybinta waxaan leeyahay سْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ Ugu danbayn, waxa Warsangli ku wareegaan shir,gudi iyo dad la doorto. Waxay Warsangli ku wareegaan Ilka Jiir, Suldaan iyo Caasha Abdalle. Bal maxay idin qabteen? Walee waa lugu xad gubay magaca reer.
Quote
 

Add comment

Qoraalka Comment-ga Kama turjumayo Ra'yiga SPR. Hase ahaate waxa uu ka turjumayaa ra'yiga cidda qortay.


Security code
Refresh

Wareysi: Prof. AbdiWali Gaas

Hees: Boosaaso.. Xanfar Yare

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 1)

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 2)

Wareysi Abwaan Qamaan CabdilWaaxid

Somali Public TV oo hawada soo galay

Sidee looga Ciidey Boosaaso

Run To Unite: Abdi Bile walks with Somalis in Minneapolis

Qandal: Ciidamada PL oo hub soo qabtey

Somali Community Minneapolis (Meet Your Representative)

Doodii Obama iyo Romney: Aragtida Somalida Minnesota

Minneapolis: Back to School Program

Cilmiga Badda: Barro Noocyada Kaluunka

BAAFIN: Sahra C/laahi Xuseen

BOOSAASO: Sideebaa looga ciidey?

Boosaaso: Tahriibayaal lasoo qabtey

Wiil 4jir ah oo ka war bixinaya Talaalka

Debate: Democratization of Puntland

Safari Restaurant; Your Choice for Iftar

SAFARI

Presidential Candidate: A/rahman M. A.Hashi

aabdirahmanhashi

Gabay: Salah Donyale

Minneapolis: Musharax Cabdiqaadir Yaasin Warsame

Barnaamijka Haweenka

doorkahaweenkagolahadeegaan

Doorka Haweenka Ee Burcad Badeeda

9656fa3efc512cc7d1146776c8ea9f23_XL

Dood: Dimuquraadiyeynta Puntland

dimuquraadiyeyntaPLdood

Featured Videos