Badhan (SPR): Waxaa maantay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ka furmay Tababar ama siminaar lagu baranayo Hogaanka Haweenka Soomaliyeed kaasi oo loo qabtay haweenka ka Tirsan golaha deegaanka ee Magaalada Badhan.
Siminaarkan oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 30 haween aha ayaa malinimada berina waxaa ka qayb geli doona 30 kale ayaa waxaa fulinayay Wasaarada Haweenka ee Puntland waxaana Siminaarka bixinaysay Marwo Faadumo Jaamac Jibriil oo ah aasaasihii Hay'ada Horn-Relife.
Siminaarkii maanta oo si wanaagsan ku dhamaadey ayaa markuu soo gabagaboobey waxaanu ka wareysanay Marwo Faadumo Jaamac Jibriil oo inooga warbixisey wuxuu ku saabsanaa iyo qeybaha oo ka koobnaa Siminaarka.
HOOS KA DHAGEYSO BARNAAMIJKA







Comments