Muqdisho(SPR)Wafdi uu hogaaminayo xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon oo goordhow ka soo dagay garoonka Diyaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Wafiga uu hogaaminayo Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Banki moon ayaa waxaa garoonka diyaaraha Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Dowladda KMG ee Soomaaliya oo uu horkacayo Ra'iisal-wasaaraha Dowladda KMG ee Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas.
Banki Moon ayaa haatan ku sugan gudaha Garoonka waxaana lagu wadaa in dhawaan loo galbiyo Xarunta Madaxtooyada Villa Somaliya.
Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu yahay mid ay si weyn u adkeynayaan Ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM.
waxaa lagu wafdigan uu horkacayo Banki-moon in ay kulamo la qaataan madax ka tirsan Dowladda KMG ee Soomaaliya.
wixii warar ah ee ku soo kordha safarka xoghayaha Qaramada Midoobay kala soco www.dhahar.com






