Banner
Wednesday, February 29 2012

Md, Abdijamaal Cismaan " Gacanta ayaan ku dhignay baabuur iyo raggi waday kaasi oo sahay kala duwan u siday Kooxda Atam"

Written by Admin

Bosaso(SPR) Maamulka Puntland ayaa shalayto gelinkii dambe waxaa uu howgal baaxad leh ka fuliyey aaga Buuralayda Galbeedka gobolka Bari ee ku dhow Magaalada Bosaso ee xaruunta Gobolka Bari. Laamaha amaanka ee Puntland ayaa gacanta waxaa ay ku soo dhigeen saddex nin iyo baabuur nooca xamuulka qaada ah oo ay wateen kaasi oo ku sii jeeday dhanka Buuralayda Galgala.

Wasiir ku xigeenka Amniga ee Puntland Abdijamaal Cismaan ayaa waxaa uu warbaahinta ugu sheegay magaalada Bosaso ee xaruunta Gobolka Bari in ay gacanta ku hayaan baabuurkaasi oo siday raashin kala duwan iyo qalab kale oo ay ka mid yihiin Mobelo iyo Beterayad lagu isticmaalo.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKII W/KUXIGEENKA AMNIGA

Download

Ninka gaariga watey ee lagu magacaabo Islaan Axmed Cabdi Gurxan oo ah isin ka mid ah isimada Puntland ayaa sheegey in uu ahaa ruuxii ugu horeeyey oo soo horfadhiisiya kooxda Atam islamarkaana wada hadal u sahley iney dowlada Puntland lagalaan. Islaan Axmed ayaa saxaafada u cadeeyey inuu gaarigaasi u waday kooxdaasi, hadii lasiidaayana inuu la shaqeynayo una shaqeynayo, waayo waa dhalinyaro deegaanka u dhalatey ayuu yiri wax walba oo ay nabadu ku imanaysana waan sameynayaa oo waan kasbanayaa ayuu yiri.

HALKAN KA DHAGEYSO CODKII ISLAAN AXMED CABDI GURXAN

Download

Magaalada Bosaso ee xaruunta Gobolka Bari ayaa lagu soo bandhigay saddexda nin iyo baabuurka ay wateen ee ku sii jeeday Buuralayda Calmadow ee Aaga Galgala kuwaasi oo haatan baadhigaan lagu waddo.

Wasaarada Amniga ee Puntland ayaa sheegtay in ay howgal lixaad leh ka waddo buuralaydaasi iyo weliba guud ahaan deeganada Puntland iyadoo sheegtay in ay la dagaalami doonto kooxda Al-shabaab, waxaana ay ugu baaqeen dadka reer Puntland in ay xaqiiqdka raacaan isla markaasna ay taageeraan ciidanka Amniga ee Puntland.

70

50

90

Comments 

 
0 #2 amina 2012-03-10 11:08
anigu waanku raacsanahay ina lala shqeeyo ciidamada amniga si looga hortago waxkasta oo khalkhalgelinay a amaanka
Quote
 
 
0 #1 Xersi Guun 2012-02-29 09:01
ninka isinka ahi waa nin geesi ah oo garanaya inaanu dambi galin oo waxna isku halaynaya. kolayba sidii roon rabaa og.
Quote
 

Add comment

Qoraalka Comment-ga Kama turjumayo Ra'yiga SPR. Hase ahaate waxa uu ka turjumayaa ra'yiga cidda qortay.


Security code
Refresh

Discussing the LRT Impact (Dont Pass Us By)

Wareysi: Prof. AbdiWali Gaas

Hees: Boosaaso.. Xanfar Yare

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 1)

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 2)

Wareysi Abwaan Qamaan CabdilWaaxid

Somali Public TV oo hawada soo galay

Sidee looga Ciidey Boosaaso

Run To Unite: Abdi Bile walks with Somalis in Minneapolis

Qandal: Ciidamada PL oo hub soo qabtey

Somali Community Minneapolis (Meet Your Representative)

Doodii Obama iyo Romney: Aragtida Somalida Minnesota

Minneapolis: Back to School Program

Cilmiga Badda: Barro Noocyada Kaluunka

BAAFIN: Sahra C/laahi Xuseen

BOOSAASO: Sideebaa looga ciidey?

Boosaaso: Tahriibayaal lasoo qabtey

Wiil 4jir ah oo ka war bixinaya Talaalka

Debate: Democratization of Puntland

Safari Restaurant; Your Choice for Iftar

SAFARI

Presidential Candidate: A/rahman M. A.Hashi

aabdirahmanhashi

Gabay: Salah Donyale

Minneapolis: Musharax Cabdiqaadir Yaasin Warsame

Barnaamijka Haweenka

doorkahaweenkagolahadeegaan

Doorka Haweenka Ee Burcad Badeeda

9656fa3efc512cc7d1146776c8ea9f23_XL

Dood: Dimuquraadiyeynta Puntland

dimuquraadiyeyntaPLdood

Featured Videos