Nairobi (SPR): Xaflad si heersare ah loosoo agaasimey oo aykasoo qeyb galeen boqolaal qofood oo reer Eastleigh, isla markaana loogu magac darey (Nabadi waa nolole, Dhalinyarooy Nageeh) taasoo lagu wacyi galinayo dhalinyarada Soomaaliyeed si ay uga fogaadaan arimaha xagjirnimada ah isla markaana ay uga fogaadaan argagixisonimada iyo waxyaabaha lidka ku ah nabada.
Barnaamijkan ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Nairobi gaar ahaan dhalinyarada. Waxaa ugu horeyntii goobtaasi ka hadlay gudoomiyaha Kooxda Waayaha Cusub Shiine Akhyaar oo isla markaana daahfurey barnaamijka kana sheegey in ay munaasabadan tahay mid loogu gogol xaadhayo xaflad balaadhan oo lagu qaban doono magaalada Nairobi bisha May 15, 2012.
Kooxda Waayaha Cusub ayaa sidoo kale soo bandhigey qalab casri ah oo dhawaan loogu deeqey kooxda Waayaha Cusub. Qalabkan ayaa waxaa ka mid ah Speakero, Amps, Qalabka live musica lagu garaaco iyo waliba Jenereetar weyn oo xalay loo shidey goobta ay xaflada ka dhacaysey, kadib markii ay korontada ka tagtey xaafada Eastleigh.
Kooxda Waayaha cusub ayaa soo bandhig barnaamij faneed cajiib ah oo heesahana si toos ah (live) u garaacanaysay. Dadweynihii kasoo qeyb galay ayaa si weyn ugu riyaaqey isla markaana idaacada SPR u sheegey in ay had iyo jeer Waayaha Cusub ku jecelyihiin barnaamijyo tayo leh oo isla markaana wacyi galin ah. Axmed Cilmi Jaamac oo ka mid ah dhalinyaradii kasoo qeyb gashey ayaa warbaahinta u sheegey in ay wax badan ka faa'ideysteen barnaamijkan caawa, kuna fahmey muhiimada ay xasiloonida iyo ku noolaanshaha Kenya leedahay, sidoo kalena ku booriyey kooxda W.C in ay badiyaan barnaamijyada noocan oo kale ah ee bulshada lagu wacyi galinayo loogana reebayo xagjirnimada.
Dhanka kale kooxda Waayaha Cusub ayaa xafladaasi waxay kusoo dhaweeyeen Hal-Abuurka Soomaaliyeed ee reer Minnesota Saalax Doonyaale oo goobtaasi tix gabay ah oo dhalinyarada ka wacyi galineysa is qarxinta ka tiriyey. Sidoo kale Doonyaale ayaa u mahad celiyey sida balaadhan ay kooxda Waayaha Cusub ugu soo dhaweeyeen magaalada Nairobi taniyo goortuu yimid gaar ahaan hoobalka codka halaasiga ah leh, horyaalka raabkana qaadey alfanaan Digriyow iyo marwadiisa Nafiso, sidoo kale hogaamiyaha kooxda Shiine Akhyaar oo si weyn ugu soo dhaweeyey magaalada Nairobi.
Waxaa goobtaasi wacdaro ka dhigey fanaanka Lixle, xidigta fanka Soomaaliyeed Falis, iyo waliba Burhaan, Axmed iyo Raguu oo dhamaan kawada tirsan kooxda Waayaha Cusub oo Soomaalida u horseedey fan casri ah iyo hal abuur tayo leh oo dhaxal gal ah.



































Comments