Minneapolis (SPR): Shirweyne wadatashi iyo wargalin ah oo ay kasoo qayb galeen boqolaal dadweyne ah oo kasoo jeeda degaanada Sanaag, Haylaan iyo Galbeedka Gobolka Bari ayaa qaybtiisi kowaad si wanaagsan ugusoo afmeermay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota. Shirkani wadatashiga ah ayaa waxaa masaafo dheer uga kala yimid shaqsiyaad mug iyo miisaan kuleh guud ahaan qowmiyada Somaalida oo ugu horeeyo Garaad Cali Aw-Yuusuf, Aqoonyahan Ismaaciil Geeldoon, Aqoonyahan Kamaal Xaamud, Aqoonyahanad Muna Raage, Nabadoon Cali Ciise Maxamed (Cali Kuwait), Sheikh C/qaadir Rabaax iyo khuburo kale oo halkaasi kaga warbixiyey aragtidooda ku aadan xal uhelida marxaladaha dhawaan kasoo cusboonaaday degaanada Maakhir iyo guud ahaanba dalka Somaaliya.
Waxaa ugu horayn halkaasi kalmada wacdi iyo waana isugu jira ka jeediyey Sheikh C/Qaadir Rabaax oo tilmaamay muhiimada ay leedahay midnimada isagoo hoosta ka xariiqay in raali galinta eebe ay horseedo barwaaqo iyo horumar. Sidoo kale waxaa halkaasi khudbad dheer oo ay dadwaynaha aad ugu riyaaqeen halkaasi ka jeediyey Garaad Cali Aw-Yuusuf. Garaadka ayaa ka hadlay qodobo badan oo ay qayb kayihiin amniga, midnimada iyo horumarinta degaanada Maakhir. Garaadka ayaa sidoo kale wax ka tilmaamay falal amni daro oo dhawaan kasoo cusboonaaday degaanada Bosaaso iyo Galbeedka Gobolka Bari isagoo dadwaynahana ugu baaqay in ay talo midaysan ka yeeshaan dhacdooyinkaan lidi ku ah mustaqbalka degaanada reer Maakhir.
Dhanka waxbarashada, waxaa halkaasi si wadajir ah uga hadlay Dr.Saciid Faahiye, Abwaan Saciid Saalax iyo Professor Abshir Aw-Yuusuf. Qhuburadaan ayaa ka warbixiyey marxaladaha kala duwan ay soo martay waxbarashada degaanada Maakhir, talooyin'na ka bixiyey qaabka loo kobcin karo waxbarashada degaanadaasi. Professor Abshir Aw-Yuusuf ayaa sidoo kale ka codsaday dadwaynaha inay garab istaagaan jaamacada Makhir University, isagoona wax ka tilmaamay faa'idooyinka la taaban karo oo ay durba kusoo kordhisay mandaqada Maakhir, gaar ahaan magaalada Badhan.
Waxa sidoo kale khudbad xasaasi ah ka aqriyay aqoonyahan Ismail Geeldoon oo ah qabiir xagga maamulka iyo siyaasadda. Mudane Geeldoon ayaa si faahfaahsan uga waramay sida ay maamul u samaynta deegaanadaas ay hormar dhinac badan ee bulshada ugu soo kordhin karto dhamaan deegaanada Maakhir. Mudane Ismail ayaa ugu danbeyntii ku gunaanadan khudbadiisa sida maamul wanaagga uu nabad iyo baraare ugu horseedi karo dhamaan Somaaliya gaar ahaan deegaanada maakhir. Ismaail Geeldoon ayaa yiri, "Dhulkaada hadii aadan maamulan waa lagaa qaadayaa."
Waxaa sidoo kale halkaasi laga tiriyey maansooyin iyo buraanburo oo xambaarsan gubaabo iyo rajo. Idaacada Somali Public Radio ayaa aalada Microfoonka la dhex gaaday dadwaynaha shirkani soo ajiibay, iyagoo muujiyey ififaalooyin iyo yadadiilo ku aadan wadatashigani iyo qodobada laga dooday.
Waxaa dhawaan idiin soo gudbin doonaa warbixin laxiriira shirkani oo maqal iyo muqaal ah oo inoo diyaariyey filim qaadaha idaacada Somali Public Radio, mudane Wiil Waal. Waxaan sidoo kale idiin soo gudbin doonaa waraysi khaas ah oo aynu la yeelanay Garaad Cali Aw-Yuusuf.


















Comments
Qabiil marna xal ma noqdo maxaa yeeley sal malaha ama meel uu punctuation mark kuleeyahey ma jirto. Waxaad arkeysaa marwalba dad wada dhashey oo hadana isneceb ,dhibaato kala sheeganaya, iska kala soocaya. Shakigiisa ma dhamaado, waa dagaal joogto, gaajo aan dhamaan, iyo qaxar aan dhimaan. Qabiilku wuxuu sahlaa in kan cilmia leh ee daacada ah in uu la simo kan jaahilka ah. Xaqdhowr maleh.
Tan keliya ee xalka ah waa in Somali oo dhan ay garataa danta guud, diintoona u noqdaan. Soomali markaan leeyahey , macnaheeda maahan qabiilada ku hadla lahjadaha Bari, waqooyi iyo gobolada dhexe, ee waa mid national ah.
I freed myself from the chains of its darkness. Thanks Allah.
maakhir iyo khaatumo inaan isuguurino walaalayaal mahadsanidin by
Waa Iga talo hadii waxqaranimada somaliland ka hor imaanaya
Lagaga tashado shirar kiina dhibaato iyo xasilooni daro aad uwey
Kala kulmeysaa somaliland balse katashada wixii kale oo aad tabaneysaan waa la ogtahay inaad tihii dad wanaagsan oo reer
Magaal ah qaranimada somaliland aad ogashihiin
Dumarkuna hadey doonanaan iney hididaan
Maamul Goboleedka Maakhir State of Somalia waxaa looga fadhiyaa sidii uu ugu ageegi lahaa Ummada Reer Maakhir.
Waxaa kaloo la rabaa in Maamulka Maakhir uu difaaco midnimada qaranka soomaaliyeed, iyo Deegaanada Shacabka Maakhir sida Ceergaabo, Galgala, Badhan, Las Qorey.
Aqoonyahanka Weyn ee Reer Maakhir Ismail Geeldoon waa runtii "Dhulkaaga Hadii Aadan Maamulan waa lagaa Qaadayaa, oo waa laguu talinayaa, sheekada maan Soomaliya ka socota waa ku qabso ku qadimeeside"
Sidee Loo Xoreeyaa Caasimada Maakhir State waa Magaalada Ceergaabo. Sidee loo dhisaa Dekada Laas Qorey. Sidee loo difaacaa Galgala Iyo Boosaaso.
viva maakhir capital of ceergaabo