Banner
Monday, May 21 2012

Ururo caalami ah oo siyaabo kala duwan kulamo ula qaatay dhinacyada Soomaalida ka hor shirka maanta furmaya.

Written by Admin

Adis Ababa(SPR) Magaalada Adis Ababa ee xaruunta wadanka Ithopia waxaa xalayto kulamo gooni gooni ah mar kale lala qaatay madaxda dhinacyada Soomaalida ee saxiixayaasha Road Map-ka Gaar ahaan Madaxda Puntland iyo kuwa Dowlada KMG ah.

Wakiilo ka socda Midowga Yurub, Midowga Afrika, iyo Qaramada Midoobey ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Puntland Dr, Abdirahman Sheikh Maxamed Maxamuud Faroole kuwaasi oo ay ka wada hadleen arimaha la isku hayo.

Dr, Faroole waxaa uu shaaciyey in ay jiraan waxyaabo badan oo khaldan kuwaasi oo Tastuurka ku jira balse horay looga saaray markii lagu kulmay shirarkii saxiixayaasha Road Map-ka ee Garoowe1. Garoowe 2, iyo Galkacayo.

Waxaa kaloo uu sheegay Madaxweynaha Puntland in ay taagan tahay marxalad dhanka soo xulista Baarlamanka taasi oo ay dhici karto in ay meesha soo galaan qaswadayaasha Soomaalida, sida qabqablayaasha iyo kooxaha islaamiyiinta ah taasi oo u baahan in ay saxiixayaasha Road Map-ka isla socdaan oo ay arintaasi ka baaraan degaan.

Madaxweynaha Puntland Dr, Faroole waxaa uu shaaca ka qaaday arintu ka taagan tahay dhanka Madaxweynaha Dowlada KMG ah iyo Ra,isal wasaare Gaas oo iyagu aan hir gelin qodobo dhowr ah oo lagu heshiiyey markii hore.

Docda kale waxaa ay kulamo la qaateen Ra,isal wasaaraha Soomaaliya Dr, Cabdiweli Gaas iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya shariif Xasan sheikh Aadan kuwaasi oo ay ka wada hadleen arinta Faroole waxaana  shariif Xasan uu sheegay in aysan jirin arinta uu Faroole wato isagoo ku tilmaamay siyaasad danhsoon.

Add comment

Qoraalka Comment-ga Kama turjumayo Ra'yiga SPR. Hase ahaate waxa uu ka turjumayaa ra'yiga cidda qortay.


Security code
Refresh

Wareysi: Prof. AbdiWali Gaas

Hees: Boosaaso.. Xanfar Yare

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 1)

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 2)

Wareysi Abwaan Qamaan CabdilWaaxid

Somali Public TV oo hawada soo galay

Sidee looga Ciidey Boosaaso

Run To Unite: Abdi Bile walks with Somalis in Minneapolis

Qandal: Ciidamada PL oo hub soo qabtey

Somali Community Minneapolis (Meet Your Representative)

Doodii Obama iyo Romney: Aragtida Somalida Minnesota

Minneapolis: Back to School Program

Cilmiga Badda: Barro Noocyada Kaluunka

BAAFIN: Sahra C/laahi Xuseen

BOOSAASO: Sideebaa looga ciidey?

Boosaaso: Tahriibayaal lasoo qabtey

Wiil 4jir ah oo ka war bixinaya Talaalka

Debate: Democratization of Puntland

Safari Restaurant; Your Choice for Iftar

SAFARI

Presidential Candidate: A/rahman M. A.Hashi

aabdirahmanhashi

Gabay: Salah Donyale

Minneapolis: Musharax Cabdiqaadir Yaasin Warsame

Barnaamijka Haweenka

doorkahaweenkagolahadeegaan

Doorka Haweenka Ee Burcad Badeeda

9656fa3efc512cc7d1146776c8ea9f23_XL

Dood: Dimuquraadiyeynta Puntland

dimuquraadiyeyntaPLdood

Featured Videos