Nairobi(SPR) Laamaha amaanka ee wadanka Kenya ayaa waxaa wadeen baaritaano xoog leh oo ay ku baadi goobayeen qaraxii ka dhacya nairobi waxaa uu ahaa iyo cida ka dambeysay kaasi oo laga soo saaray natiijo rasmi ah.
War ka soo baxay booliska Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxii ka dhacay nairobi uu ahaa Bam nooca sida xun wax u dila ah oo la geliyey guri ku yaala bartamaha Nairobi, kaasi oo mar dambe la qarxiyey.
Afhayeenka booliska Kenya Eric Kiraithe waxaa uu sheegay in qaraxaasi haatan loo hayo labba ruux oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen qaraxaasi waxaa kaloo uu sheegay in ay heleen Magaca qofka ugu weyn ee lagu tuhunsan yahay qaraxaasi.
Eric Kiraithe waxaa uu sheegay in qaraxaasi ay ka dambeeyeen kooxo canaasiir ah oo khalkhal gelinaya amniga dalka Kenya balse waxaa uusan si rasmi ah arintaasi ugu eedayn kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.
Imrah Erdogan oo ah ninka ay booliska shaaciyeen magaciisa isla markaasna la hayo sawirkiisa oo dhowaan la faafin doono ayaa la sheegay in uu wadanka Kenya soo galay horaantii bisha May isagoo dhalashadiisa lagu sheegay Jarmal ama Turkiga.






