Galkacayo(SPR) Magaalada Galkacayo ee gobolka Mudug waxaa ka socday howgalo balaaran oo ay wadeen ciidamada Amniga ee magaalada Galkacayo kaasi oo ay ku baadi goobayeen kooxihii ka dambeeyey qarax ka dhacay halkaasi.
G/dhexe Jaamac Max’ed Axmed Sandaqad oo ah taliyaha qeybta booliska ee gobolka Mudug oo warbaahinta uga warbixiyey howgaladaasi ayaa waxaa uu sheegay in ay yihiin kuwo amniga lagu sugayo isla markaasna lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey qaraxii Galkacayo.
Waxaauu sheegay Sandaqad in si rasmi ah gacanta ugu dhigeen kooxihii ka dambeeyey qaraxii ruxay Galkacayo isagoo sheegay in ay gacanta ku dhigeen ninkii labbaad e qeybta ka ahaa qaraxii ka dhacay magaalada Galkacayo.
Gashaanle Jaamac Sandaqad waxaa uu shaaca ka rogay in ay ciidanku soo qabteen ninkaasi isagoo ay weli ka muuqdaan dhaawacyadii ka soo gaaray is rasaasayntii dhexmartay isaga iyo ciidanka madaniga ah ee Galkacayo, waxaana haatan la soo taagi doonaan Maxkamad.
Talisku waxaa kaloo uu shaaciyey in ay jiraan ilaa shan ruux oo kale oo ku jira xabsiga dhexe kuwaasi oo iyana lagu tuhunsan yahay qaraxii ruxay Galkacayo oo ay dadka badan ku dhaawacmeen, waxaana si rasmi ah u cadaatay in ninka la qabtay uu yahay mid ka mid ah Timajarayaasha magaalada.






