Nairobi(SPR) Xukuumada Wanshintong ayaa dhowaan waxaa ay ku dhawaaqday in ay lacag malaayiin Dollar ah ku bixinayso Madaxyada ama meelaha ay joogaan saraakiisha ugu sar sareysa ururka Al-shabaab.
Safiirka Maraykanka u qaabilsan Kenya James Swan oo la hadlay warbaahinta caalamiga ah ayaa shaaca ka qaaday in ay xukuumada Wanshintong in ay arintaasi u xilsaartay AMISOM iyo Dowlada Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ay ogtahay dhaqaalaha la dul dhigay kooxda Al-shabaab isagoo intaasi ku daray in muhiimada koowaad ay siinayaan in ay arintaasi u kuur galaan AMISOM iyo Dowlada KMG Ah.
" Arinta fulinta howsha lagu bixinayo malaayiinta dollar ee Al-shabaab madaxda ugu sareysa waxaa qeyb weyn ka noqon doonaa Dowlada oo soo dhoweysay arintii lacagta la dul dhigay madaxdaasi iyo weliba AMISOM" ayuu yiri Swan.
Arintaan ayaa ku soo beegmaysa xili ay xukuumada Wanshintong shaacisay sawirka ninka ugu sareeya kooxda Al-shabaab ee la yiraahdo Ahmed Godane, kaasi oo aysan dadka intiisa badan aqoon aragtidiisa ah u lahayn.






