Kismaanyo(SPR) Kooxda Al-shabaab ayaa war ay dhigeen boga ay internetka ku leeyihiin waxaa ay ku sheegeen in ay diyaar u yihiin dagaal kasta oo uga yimaada ciidamada huwanta ah iyo kuwa Kenya oo garabsiiya kuwa Dowlada KMG ah ee Jubbada Hoose.
sheikh Xasan Yacquub Cali oo ah Gudoomiyaha Al-shabaab ee Jubbada Hoose gaar ahaan Magaalada Kismaanyo ayaa shaaca ka qaadey in ay jiraan hanjabaado ka yimaada ciidamada Kenya iyo kuwa Dowlada KMG ah ee Soomaaliya.
Waxaa uu sheegey Sheikh Yacquub in ay magaalada Kismaanyo ay naftooda u huri doonaan isla markaasna ay difaaci doonaan in kasta ha ku qaadatee waxaana uu intaasi ku darey in dagaal kasta ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan cadowga.
" Annaga diyaar waa nahay, waxaan doonaynaa in aan iska difaacno cadowga wakhti kasta ha nagu qaadato waan is diyaariney, waxaan shacabka Kismaanyo ugu baaqayaa in ay ka qeyb qaataan dagaalka" ayuu yiri Sheikh Xasan.
Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ayaa ku hanjabey in ay si dhaqso ah u tegi doonaan Magaalada xeebta ku taala ee Kismaanyo halkaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidamada kooxda Al-shabaab oo haatan laga qabsadey meelo badan oo dalka ka mid.






