Boosaaso(SPR): Wasiirka wasaarada Haweenka Soomaaliya,Marwo Maryan Aweys Jaamac,ayaa waraysi dhinacyo badan taabanaya oo ay siisay Idaacada Bulshada Soomaaliyed ee SPR,waxay kaga hadashay waxyaabihii u qabsoomay tan iyo markii ay la waregtay xafiiska wasaarada haweenka.
Wasiirada ayaa ka hadashay deeqo kala duwan oo ay siisay wasaaradeeda Haweenka Soomaaliyeed,iyo shirar kala duwan ooa y ka qeyb galeen.
Marwo Maryan Aweys Jaamac,wasiirka haweenka xukuuamada ayaa sidoo kale waraysigeda kaga hadlaysa qaabka loo xusho haweenka Siminaarada loo dirayo iyo waxyaabaha wasaarada ku haminayso inay guul ka gaarto.
Halkaan hoose ka dhagayso waraysiga oo wariyaheena Nimco Muuse la yeelatay Marwo Maryan Aweys Jaamac.






