Banner
Friday, July 27 2012

Booliska Kenya oo howgalo nabad sugid ah ka bilaabey Dhadhaab iyagoo gacanta ku soo dhigey rag hubeysan oo la geeyey Gaarisa.

Written by Admin

Dhadhaab (SPR) Xeryaha qaxootiga aduunka ugu waa weyn ee Dhadhaab oo deris la noqdey falal Amni daro qaraxyo iyo weliba afduubyo loo geysanayo shaqaalaha hay,adaha caalamiga ah ee halkaasi ka howlgala ayaa haatan waxaaka bilaabatey olole Amniga lagu adkeynayo.

Ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa si rasmi ah u bilaabey dadaal dheer iyo weliba qorshe ka dhan ah kooxaha falalka Amni darada ah ka geysta deegaankaasi, iyadoo ay jiraan dad kala duwan oo gacanta lagu soo dhigey.

Macalin Maxamed oo ah Gudoomiyaha gobolka woqooyi Bari Kenya ayaa waxaa uu si rasmi ah shaaca uga qaadey in howgal socdey labba maalmood lagu soo qabtey 4-ruux iyo weliba qoryaha la yiraahdo AK 47, kuwaasi oo diyaarinayey falal ka dhan ah Amniga oo ay ku jiraan afduub.

Xabsiga Magaalada Gaarisa ayaa haatan la geeyey dadkaasi iyadoo lagu maxkamadeyn doono gudaha Magaalada Gaarisa sida ugu dhaqsiyaha badan waxaana arintaasi ay ku timid wada shaqeyn dhexmarey booliska iyo dadka rayidka ah ee xerada IFO ee ka tirsan Dhadhaab Kenya.

Saldhiga qaxootiga Dhadhaab ee gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya waxaa ka dhacay qaraxyo iyo falal kale oo ka dhan ah amniga maalmihii la soo dhaafey taasi oo ay ugu dambsey weerar ka dhacey xerada IFO oo lala eegtey meel ay deeq ka bixineysey hay,ada Care International ee deeqaha qaxootiga siisa.

Add comment

Qoraalka Comment-ga Kama turjumayo Ra'yiga SPR. Hase ahaate waxa uu ka turjumayaa ra'yiga cidda qortay.


Security code
Refresh

Wareysi: Prof. AbdiWali Gaas

Hees: Boosaaso.. Xanfar Yare

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 1)

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 2)

Wareysi Abwaan Qamaan CabdilWaaxid

Somali Public TV oo hawada soo galay

Sidee looga Ciidey Boosaaso

Run To Unite: Abdi Bile walks with Somalis in Minneapolis

Qandal: Ciidamada PL oo hub soo qabtey

Somali Community Minneapolis (Meet Your Representative)

Doodii Obama iyo Romney: Aragtida Somalida Minnesota

Minneapolis: Back to School Program

Cilmiga Badda: Barro Noocyada Kaluunka

BAAFIN: Sahra C/laahi Xuseen

BOOSAASO: Sideebaa looga ciidey?

Boosaaso: Tahriibayaal lasoo qabtey

Wiil 4jir ah oo ka war bixinaya Talaalka

Debate: Democratization of Puntland

Safari Restaurant; Your Choice for Iftar

SAFARI

Presidential Candidate: A/rahman M. A.Hashi

aabdirahmanhashi

Gabay: Salah Donyale

Minneapolis: Musharax Cabdiqaadir Yaasin Warsame

Barnaamijka Haweenka

doorkahaweenkagolahadeegaan

Doorka Haweenka Ee Burcad Badeeda

9656fa3efc512cc7d1146776c8ea9f23_XL

Dood: Dimuquraadiyeynta Puntland

dimuquraadiyeyntaPLdood

Featured Videos