Banner
Wednesday, August 08 2012

Hay’ada Somali Institute for Peace Research (SIPR) oo shahaado Sharaf gudoonsiiyey Gudoomiyaha Waayaha Cusub Shiine Akhyaar (DAAWO SAWIRADA)

Written by Admin

Rochester (SPR): Waxaa wali magaalada Minneapolis ku sugan gudoomiyaha kooxda Waayaha Cusub Shiine Akhyaar isla markaasina u yimid dalka Mareykanka kadib markii ay dowlada Mareykanka ay 24 wadan oo ka tirsan qaarada Afrika ay kasoo qaadatey midkiiba halka fanaan oo ah fanaanka ugu firfircoon si markaasi loogu taba baro, siminaaro loogu faa’ideeyo, iyagana ay wacyi galin u sameeyaan bulshada ku dhaqan Mareykanka.

Dhalinyarada reer Rochester oo ah magaalo masafo hal saac ah u jirta magaalada Minneapolis iyo Ururka SIPR ayaa waxay casuumaad u fidiyeen Shiine Akhyaar iyadoo isla markaasina lagu gudoonsiiyey gudoomiyaha Waayaha Cusub bilad sharafta loo yaqaan (SIPR Ambassador of Peace Award).

Dr. Sh. Noor Qaasim Abukar oo ah gudoomiyaha SIPR isla markaasina ah nin u ololeeya midnimada iyo xal u helida dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana kasoo jeeda Qoys ehel u ah wadaniyada iyo xornimada ummada Soomaaliyeed ayaa idaacada Somali Public Radio u sheegey in bilad sharaftan ay tahay mid ay kaliya siiyaan shaqsiyaadka yagleelka nabada naftooda, waqtigooda, iyo waliba maalkoodaba u hurey. Taasoo ayuu yiri ah mid aan ku dhiiri galin aan uga danleenahay, Sheekh Noor. Gudoomiye Sheekh Noor oo nagu casumey aqalkiisa iyo sidoo kale xafiiska SIPR ee gobolka Minnesota ayaa wuxuu sharaxaad ka bixiyey wax qabadkii SIPR, sababaha loo aasaasey, iyo waliba ula jeedada loo alkumey.

Mudane Sheekh Noor ayaa sheegey in SIPR ay aasaaseen dad aqoonyahana ah oo ku sugan dalka Mareykanka oo isla gorfeeyey cilmi-baaris kadib isla meel dhigey in ay sameeyaan hay’ad ummada ku wacyi galisa nabada, una dooda xuquuqda dadka la dulmiyey.

“Waxaanu ogaaney dhibka ugu weyn ee Soomaalida heysta inuu yahay is aaminaad la’aan, taasoo oo dhalisey in ay xitaa dadka iyagoo aan is dhageysan ay kala caroodaan” ayuu yiri Sheekh Noor. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri waxaa inoo soo baxdey in is Aaminaad la’aanta looga bixi karo; marka hore in la is dhageysto iyadoo aan ra’yiga xitaa la isku raacin, marka xigana in la isku tixgaliyo qof waliba ra’yigiisa.

Sheekh Noor ayaa ka sheekeeyey sababaha ay u siiyeen bilad sharafta kooxda Waayaha Cusub, isagoo xusey in ay ku dhiirteen wax ay dad badan ku dhiiran waayeen, taasoo ah in ay dhaliilaan falalka amni xumida keena isla markaana dadka ku booriyaan nabad galyada. Dalmar Yare oo ka mid ah kooxda Waayaha Cusub iyo Shiine Akhyaar oo bilad sharaftaasi gudoomay ayaa ku tilmaamay mid sharaf weyn u ah isla markaasina ay mahad balaaran uga hayaan bulshada reer Minnesota iyo Hay’ada SIPR.

Booqo Facebooga Somali Public Radio Islamarkaana Member Noqo oo Toos u Hela Warar: HALKAN riix oo taabo "LIKE"...https://www.facebook.com/pages/SOMALI-PUBLIC-RADIO/136432283054472  

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

SIPR_5

SIPR_3

SIPR_2

SIPR_4

SIPR_6

 

Add comment

Qoraalka Comment-ga Kama turjumayo Ra'yiga SPR. Hase ahaate waxa uu ka turjumayaa ra'yiga cidda qortay.


Security code
Refresh

Wareysi: Prof. AbdiWali Gaas

Hees: Boosaaso.. Xanfar Yare

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 1)

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 2)

Wareysi Abwaan Qamaan CabdilWaaxid

Somali Public TV oo hawada soo galay

Sidee looga Ciidey Boosaaso

Run To Unite: Abdi Bile walks with Somalis in Minneapolis

Qandal: Ciidamada PL oo hub soo qabtey

Somali Community Minneapolis (Meet Your Representative)

Doodii Obama iyo Romney: Aragtida Somalida Minnesota

Minneapolis: Back to School Program

Cilmiga Badda: Barro Noocyada Kaluunka

BAAFIN: Sahra C/laahi Xuseen

BOOSAASO: Sideebaa looga ciidey?

Boosaaso: Tahriibayaal lasoo qabtey

Wiil 4jir ah oo ka war bixinaya Talaalka

Debate: Democratization of Puntland

Safari Restaurant; Your Choice for Iftar

SAFARI

Presidential Candidate: A/rahman M. A.Hashi

aabdirahmanhashi

Gabay: Salah Donyale

Minneapolis: Musharax Cabdiqaadir Yaasin Warsame

Barnaamijka Haweenka

doorkahaweenkagolahadeegaan

Doorka Haweenka Ee Burcad Badeeda

9656fa3efc512cc7d1146776c8ea9f23_XL

Dood: Dimuquraadiyeynta Puntland

dimuquraadiyeyntaPLdood

Featured Videos