Muqdisho ( SPR ): Shir Jaraa id oo ay si wada jir ah u qabteen Madaxweynaha Dowlada Federalka ee Soomaaliya Sheekh shariif sheekh Axmed iyo U qaabilsanaha Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya Augustina Mahiga ayay kaga hadleen xildhibaano ay soo xuleen odoyaasha dhaqanka oo ay gudiga farsamada dib u cesheen.
Labada Masuul ayaa shirkooda Jaraa id waxaa ay ku sheegeen in aanay jiri karin cid si gaar ah loo bartilmaameedsado ama ay ka reebaan gudiga farsamada xildhibaanada lasoo xulay,go aanka ugu dambeeyana waxaa leh ayay yiraahdeen odoyaasha dhaqanka oo iyagu xaq u leh soo xulitaankooda.
Madaxweyne Sheekh Shariif oo saxaafadu ay wax ka weydiisay in hogaamiya kooxeedyadii hore ay kamid noqonkaraan baarlamanka ayaa sheegay in aanay jirin cid maxkamad cadaalad ah ay dambi ku xukuntay,qofkana marka ay maxkamadi xukunto ayaa dambiile la oronkaraa,marka waa in aan la siyaasadeen ayuu yiri arinka.
Danjira Mahiga ayaa dhankiisa adkeeyay in aan cid si gaar ah loo bartilmaameedsan,waxaana uu ku celceliyay soo xulitaanka baarlamanka in odoyaasha dhaqanka oo kali ah ay xaq u leeyihiin.
Shirkan Jaraa id ayaa yimi maalmo kadib markii ay soo baxday cabasho ah in qaar kamid ah Siyaasiyiintii Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Qabqablayaashii hore gudiga farsamada ay diideen soo magacaabitaankooda,waxaana taasi ay dhalisay buuq fara badan oo ku aadan diidmadaasi.



This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it






