Banner
Saturday, August 18 2012

Odoyaasha Dhaqanka ee soo xulaya Baarlamaanka Cusub oo dhaliilay Gudiga Farsamada.

Written by Admin

Odoyaasha Dhaqanka ee soo xulaya Baarlamaanka cusub ee Dowlada Federalka ayaa dhaliilay howsha gudiga farsamada,waxaana ay ku eedeeyeen in  iyagu ay soo xulayaan cida ay rabaan,maadaama  xubno ay odoyaashu usoo gudbiyeen gudigaasi dib loogu celiyay,waxaana ay tilmaameen in aanay gudigu xaq ugu lahayn in odoyaasha ay ku diidaan cida ay baarlamanka usoo magacaabayaan mar hadii ay shuruudihii muhimka ahaa ay buuxiyeen.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah gudoomiyaha gudiga xalinta khilaafka odoyaasha dhaqanka ayaa kulan ay isugu yimaadeen odoyaashu  waxaa uu ka sheegay in ay jirto soo citaan qaar kamid ah xubnihii ay odoyaashu soo magacaabeen la samaynayo,waxaana uu tilmaamay arintaasi in ay tahay mid aan la aqbali karin,aana lagu cadaadin karin odoyaasha cid aanay soo magacaabin.

Ugaas C/llaahi Foodcade oo isaguna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in dad nadiif ah oo odoyaashu ay soo xuleen liiska laga reebay,ayna tahay wax ay fahmi waayeen sidaasi daraadeed aanay ka qaadanayn gudiga wax aan u cuntamin,gaar ahaana xubno ay odoyaashu soo magacaabeen buuxiyayna shuruudaha la reebo.

Arintan ayaa waxaa ay imaanaysaa xili muran xoogani uu ka taagan yahay soo magacaabitaanka Baarlamanka cusub,gaar ahaana uu jiro khilaaf madaxweynaha iyo gudiga farsamada u dhexeeya,kuna salaysan liis ay gudigaasi ka reebeen soo xulitaanka baarlamanka,kuwaas oo qaar kood ahaan jiray qab qablayaashii dagaalka.

Lama oga halka ay arintani kusoo afjarmayso waxaana warar hoose oo ay SPR ka heshay madaxtooyada ay sheegayaan in uu jiro kulamo gaar gaar ah oo laga leeyahay xildhibaanda cusub ee lasoo magacaabay iyo soo gudbinta liiska tirada xildhibaanada harsan.

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Add comment

Qoraalka Comment-ga Kama turjumayo Ra'yiga SPR. Hase ahaate waxa uu ka turjumayaa ra'yiga cidda qortay.


Security code
Refresh

Wareysi: Prof. AbdiWali Gaas

Hees: Boosaaso.. Xanfar Yare

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 1)

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 2)

Wareysi Abwaan Qamaan CabdilWaaxid

Somali Public TV oo hawada soo galay

Sidee looga Ciidey Boosaaso

Run To Unite: Abdi Bile walks with Somalis in Minneapolis

Qandal: Ciidamada PL oo hub soo qabtey

Somali Community Minneapolis (Meet Your Representative)

Doodii Obama iyo Romney: Aragtida Somalida Minnesota

Minneapolis: Back to School Program

Cilmiga Badda: Barro Noocyada Kaluunka

BAAFIN: Sahra C/laahi Xuseen

BOOSAASO: Sideebaa looga ciidey?

Boosaaso: Tahriibayaal lasoo qabtey

Wiil 4jir ah oo ka war bixinaya Talaalka

Debate: Democratization of Puntland

Safari Restaurant; Your Choice for Iftar

SAFARI

Presidential Candidate: A/rahman M. A.Hashi

aabdirahmanhashi

Gabay: Salah Donyale

Minneapolis: Musharax Cabdiqaadir Yaasin Warsame

Barnaamijka Haweenka

doorkahaweenkagolahadeegaan

Doorka Haweenka Ee Burcad Badeeda

9656fa3efc512cc7d1146776c8ea9f23_XL

Dood: Dimuquraadiyeynta Puntland

dimuquraadiyeyntaPLdood

Featured Videos