Magaaladan Boosaaso oo si weyn Maanta looga Ciiday ayaa shacabkii ugu faraha badnaa iyo Masuuliyiinta Maamulkaba ay Salaadii Ciida Subaxnimadii saaka ay ku tukadeen Garoonka Kubada cagta ee Magaalada Boosaaso.
Gudoomiye ku xigeenka Maamulka gobolka bari Yuusuf Muumin Bide,gudoomiyaha Degmada Boosaaso Xasan C/lla Xasan,Ismo iyo Culima udiin goobta ka hadlay ayaa shacabka ugu hambalyeeyay Munaasabada Ciida,iyagoona ugu baaqay bulshada in ay gacanta is qabsato ayna kaalmeeyaan dadka tabarta daran ee iyagu aan awooda u lahayn in ay shaqaystaan.
Salaadii Ciida kadib ayaa waxaa wadooyinka Magaalada Boosaaso qabsaday Dadweyne aad u fara badan,kuwaasi oo isugu hambalyeeynayay Munaasabada Ciida.
HALKAN KA DAAWO VIDEOGA
https://www.youtube.com/watch?v=LflskKn_RN4&feature=plcp
Magaalada Boosaaso waxaa weli ka maqan dadweyne aad u fara badan oo ka cararay kulayka daran ee Magaalada,iyadoona sidoo kale ay jirto cabasho ay dadku ka muujinayaan kororka qiimaha maciisha iyo hoos u dhaca doolarka.
NAGALA SOO XIRIIR This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it











