Muqdisho ( SPR ) : Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanada Cusub ee Baarlamanka Dowlada Federalka ayaa ka hadlay soo xulitaanka Xildhibaanada cusub,gaar ahaana shakhsiyaadka laga reebay xubinimada baarlamanka,iyadoo loogu andacoonayo in ay ahaan jireen qab qablayaal dagaal ama ay ka tirsanaa yeen Ururadii dagaal ee ka jiray dalka.
Xildhibaan Dalxa ayaa arintaasi sheegay in aanu isagu qabin in ay tahay mid wanaagsan,waxaana uu sheegay in uu ku talinayo in aan cid gaar ah laga faquuqin xubinimada baarlamanka cusub ee Soomaaliya.
" Xiligii Imbagati waxaa qadarinta ugu horaysa baarlamanka la siinayay qab qablayaashii dagaalka si xal loo gaaro,waxaana ay kamid noqdeen baarlamanka,hubkii iyo ciidankoodi waxaa ay ku wareejiyeen dowlada,mana jirto cid ay si gaar ah maxkamdi dambi ugu xukuntay,marka waxaa haboon in cid si gaar ah loo soocin".ayuu yiri xildhibaan dalxa.
Gudiga Farsamada ee ku howlan soo xulida baarlamanka cusub ayaa dhowaan ka reebay kamid noqoshada baarlamanka qaar kamid ah qab qablayaashii dagaalka iyo xubno kasoo mid noqday maxaakiimtii Islaamiga.
NAGALA SOO XIRIIR This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it






