Banner
Tuesday, August 21 2012

WARBIXIN : Taariikhda Raysal Wasaare Meles Zenawi oo geeriyooda.

Written by Admin

Meles Zenawi Waxaa uu ku dhashay Deegaanka Adwa ee gobolka Tigrey,kuna yaala Waqooyiga Dalka Ethopia sanadii 1955 8-dii May,Deegaankaasi waxaa kasoo jeeda Aabihii,halka hooyadii ay kasoo jeedo Adi Quala oo ka tirsan Ereteria.

Waxbarashadiisii Iskuulka Sare waxaa Zanawi ku dhamaystay Iskuulka General Wingate high school oo ku yaala Addis Ababa,Waxaana uu qaybta caafimaadka ka galay Jaamacada Addis Ababa Univerity oo wakhtigaasi loo yaqaanay Haile Selassie University,isagoona mudo Labo sana ah waday kahor inta aanu ku biirin Jabhadii Tigrayan Peoples Liberaion Font (TPLF) Sanadii 1975.

Zanawi waxaa loo doortay hogaanka Jabhada TPLF dhanka Xiriirka Bulshada 1979, Waxaana uu noqday Hogaanka Fulinta ee Isla Ururka Sanadii 1983,Iyadoona Bilowgii Sagaashanaadka uu noqday Hogaanka Sadex Urur oo dagaal kula jiray Dowladii uu hogaaminayay Mengistu Hailamarriam.

Bilowgii 1991 Dalka Ethopia Waxaa ka dilaacay Dagaal Sokeeya,iyadoona Jabhadii uu hogaaminayay Zanawi ay dalka gacanta ku dhigtay,iyadoona DKMG ay yeeatay Ethopia,waxaana mudadaasi socday,gooni u goosadkii Ereteria iyo dagaalo Labad dal kadib dhex maray.

Milez Zanawi Waxaa uu wax barasho Jaamacadeed oo Mazter ah ka kala qaatay Kuliyadaha Maamulka Dhaqaale iyo Sayniska Jaamacado ku yaala Ingisriiska iyo Holan.

Zanawi waxaa  uu guursaday Azep Mesvin oo u dhashay Sadex Caruur ah,Waxaana uu geeriyooday Isagoo 57 Jir ah,kadib xanuun la sheegay in uu ahaa dhiig furan,Waxaana uu ku geeriyooda Magaalada Brussules ee xarunta dalka Biljim.

Taariikhdan Waa Taariikh Kooban oo uu diyaariyay Xuseen Xasan Xuseen (Xuska)

 

Add comment

Qoraalka Comment-ga Kama turjumayo Ra'yiga SPR. Hase ahaate waxa uu ka turjumayaa ra'yiga cidda qortay.


Security code
Refresh

Discussing the LRT Impact (Dont Pass Us By)

Wareysi: Prof. AbdiWali Gaas

Hees: Boosaaso.. Xanfar Yare

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 1)

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 2)

Wareysi Abwaan Qamaan CabdilWaaxid

Somali Public TV oo hawada soo galay

Sidee looga Ciidey Boosaaso

Run To Unite: Abdi Bile walks with Somalis in Minneapolis

Qandal: Ciidamada PL oo hub soo qabtey

Somali Community Minneapolis (Meet Your Representative)

Doodii Obama iyo Romney: Aragtida Somalida Minnesota

Minneapolis: Back to School Program

Cilmiga Badda: Barro Noocyada Kaluunka

BAAFIN: Sahra C/laahi Xuseen

BOOSAASO: Sideebaa looga ciidey?

Boosaaso: Tahriibayaal lasoo qabtey

Wiil 4jir ah oo ka war bixinaya Talaalka

Debate: Democratization of Puntland

Safari Restaurant; Your Choice for Iftar

SAFARI

Presidential Candidate: A/rahman M. A.Hashi

aabdirahmanhashi

Gabay: Salah Donyale

Minneapolis: Musharax Cabdiqaadir Yaasin Warsame

Barnaamijka Haweenka

doorkahaweenkagolahadeegaan

Doorka Haweenka Ee Burcad Badeeda

9656fa3efc512cc7d1146776c8ea9f23_XL

Dood: Dimuquraadiyeynta Puntland

dimuquraadiyeyntaPLdood

Featured Videos