Madaxweynaha Xilkiisu Dhamaaday ee Dowlada Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka tacsiyeeyay geeridii Raysal Wasaarihii Ethopia Miles Zanawi oo ku geriyooday cisbitaal ku yaala Magaalada Brussles,Waxaana uu ku amaanay Zanawi in uu ahaa hogaamiye jecel nabad in ay ka dhalato Geeska Afrika.
Shariif ayaa hadalkani ka sheegay Shir Jaraa id oo uu ku qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade,iyadoona uu sheegay Dowlada Ethopia in uu tacsi uga dirayo geerida hogaamiyahooda,isagoona xusay in Zanawi ahaa Qof shakhsiyad fiican leh,gaar ahaana isku aragti ay ka ahaayeen xaaladaha geeska Afrika iyo siyaabaha xal looga gaari karo.
Dhinaca kale Shariif ayaa kulan la qaatay Diblomaasiyiin ka socda Yururb iyo Maraykanka,uuna kamid ahaa Safirka Maraykanka,Waxaana ay ka wada hadleen xaalada dalku uu marayo iyo sidii loo dhamaystiri lahaa hanaanka dowladnimo ee dalka.
Shariif oo Shirkiisa Jaraa id kulankaasi kaga hadlay ayaa sheegay in Diblomaasiyiinta ay ka wada hadleen soo xulitaanka baarlamaka,hanaanka dowladnimo,xiligii KMG oo laga gudbay iyo siyaabaha horay loogu socon karo si looga gudbo caqabadaha jira.![]()








