Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay usoo goosteen dhankooda Ciidamo ka tirsanaa Maamulka Khaatumo oo gaaraya ilaa 30 Askari,kuwaasi oo watay gaadiid dagaal,iyadoona Kaantaroolka Koonfureed ee Magaalada Garowe ay uga hortageen Masuuliyiin ka socota Maamulka Puntland.
Wasiir ku xigeenka Maaliyada Puntland Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan oo kamid ahaa Masuuliyiintii soo dhoweysay ciidamadaasi ayaa sheegey in ciidamadan ay ku soo biireen Puntland oo markii horeba ay ka tirsanaayeen.
Cabdi Qowdhan waxa uu kaloo sheegay in ciidamadan been loo sheegey oo la marin habaayiyey balse markii danbe ay garowsadeen in ay dib usoo laabtan iyo ciidamadii ay horey uga tirsanaayeen ee Maamulka Puntland.
Taliyaha ciidanka soo goostay ee ka tirsanaa Khaatumo Gaashaanle Dhexe Maxamed Cali Afgaab ayaa sheegay in ay ku hungoobeen maamulo looga dhawaaqey gobolka Sool islamarkaasina ogaadeen in aysan dan ugu jirin shacabka deegaanadaasi.









Comments