Nairobi ( SPR ) : Ciidamada Booliska ee Dalka Kenya ayaa baadi goob ugu jira Ilaa 8 qof oo ay tuhun san yihiin in ay ku lug lahaayeen diyaarinta walxa qarxa iyo abaabulka weeraro ismiidaamin oo laga fuliyo gudaha Magaalada Nairobi,iyadoona Ciidamo ay baro kaantarool ka sameeyeen gudaha magaalada si dadkaasi gacanta loogu soo dhigo.
Taliye ku xigeenka Booliska Kenya ayaa sheegay dadkan la tuhun san yahay in ay ka baxsadeen goob ku taala xaafada Islii oo ay Ciidanku kasoo qabteen hub,rasaas,banbaanooyin iyo jaakadaha ismiidaaminta,iyadoona isla goobtaasi lagu xiray Labo qof oo soomaali ah oo la tuhun san yahay in ay ka tirsan yihiin Xarakada Alshabab.
Cabsi xoogan ayaa soo wajahday Soomaalida ku dhaqan Xaafad Islii kadib markii ay ciidamadu sheegeen dadka ay qabteen in Soomaali ay ku jirto,waxaana ay ka baqdin qabanaa in boolisku ay xirxiraan qof kasta oo Soomaali ay u gartaan.
Xildhibaan Yuusuf Xasan C/di oo laga soo doorto deegaanka Kamakunji oo Xaafada Islii ka tirsan tahay ayaa sheegay in aany dhici doonin dhibaato lasoo gaarsiiyo dadka soomaalida ah ee ku dhaqan xaafadaasi,iyadoona uu tilmaamay cida ay boolisku xiri karaan in ay tahay cid ay uga shakiyeen ama ay ku ogyihiin in ay ka dambeeyaan falalkaasi oo kale.
Goobta laga soo qabtay Walxaha qarxa iyo Banbaanooyinka ayaa la sheegay in ay ka agdhowaayeen Kasniisado,kuwaasi oo la tuhmayo in Maalinta Axada loola dan lahaa in lagu qarxiyo,Waxaana socda baaritaano ku aadan falkaasi oo ay weli wadaan Ciidanka Booliska Dalka Kenya.






