Badhan (SPR): Kulan ay kasoo qayb galeen ururada haween ay ku jira hay'adaha ,bahda waxabarashada, bahda caafimaadka iyo dad aqoon yahano ah ayaa maanta lagu qabaty xarunta ururka haweenka ee Al-Nasar ayaa waxaa lagu lafagurayay sida ugu haboon ee Jaamcada Makhir iyo bulshada ay u wada shaqayn lahaayeen iyo dardargelinta jaamacada iyo ardayda ku xirmidoonta si yaabaha loo baahnayahay in looga dhiso dhinacyada ay jaamcadu xooga saartey.
Kulankan ayaa waxa laysku raacay in la kordhiyo macalimiin tayadoodu aad u sarayso taas oo gundhig noqonkarta in lahelo arday la jaanqaadi karta kuliyadaha ay ku biirayaan. Fikrado kala duwan ayaa laysku waydaarsaday kulanka iyadoo macaliinta iyo bahda waxbarshadu ay soo bandhigeen qaabab aad loogu riyaaqay islamarkaana ay ku dheeehanathay khibrad iyo waaya aragnimo dheeraad ah.

Sida laga warqabo jaamacada ayaa maraysa gebagebo dhinaca diyaar garowga iyo furitaankeeda oo lagu wado in albaabada loo furo horaanta bisha inagu soo fooleh. Arday tiro badan ayaa oo la diiwaan galiyey ayaa isu diyaarinaysa in ay ku biiraan jaamcadan ka curatay geyiga sanaag gaar ahaan magaalada Badhan.







