Banner
Saturday, November 13 2010

DHAGAYSO----Gabay la magac baxay DARXUMO oo uu tiriyey Al-Ustaad, Abwaan Mursal Siciid

Written by Jaamac Nuur Muuse

Waxaa maanta oo taariikhdu ahayd 9/11/2010 laga baahiyey warbaahinta reer galbeedka oo ay hormuud ka ahaayeen idaacadaha BBC-da iyo VOA-da laamohooda afsoomaaliga dhacdo murugo leh oo kicisey dareenka qof kasta oo wax garad ah oo kasoo jeeda bulshada soomaaliyeed, dhacdadan oo ahayd in dhalinyaro soomaaliyeed oo ku dhow 30 qof oo rag iyo dumar ba leh lasoo hor taagey maxkamad ku taalla dalka Mareykanka iyagoo ku eedeysan iney ka baayac mushtareen gabdho soomaaliyeed oo jidhkooda lagu iibin jirey qaar ka mid ah gobollada Mareykanka muddo gaadheysa labo sano.

Waxaa sumcad darro iyo waji gabax ku ah shacabka soomaaliyeed ee Muslimka ah in gabdhohoodii dhowrsanaa ee sharafta lahaa maanta ay cawradoodii dibada taallo oo ay ku doogsanayaan gaaladii cadawga ahayd, Haddaba arrintaa xanuunka badan ee laga soo sheegayo da’yarteenii ku nooleyd qurbaha ayaa waxay taabatey damiirka iyo qalbiga aqoon yahanka iyo abwaaniinta soomaaliyeed, waxaana maanta si degdeg ah tix xikmad badan ka tiriyey Abwaan Mursal Siciid Cali Waraabe oo jooga Degmada Xingalool ee gobolka Haylaan, isaga oo tilmaamaya sida ay dareenkiisa u dhaawacdey maqalka warkan murugada leh wuxuuna Abwaanku tixdan la magac baxdey: Darxumo uu hordhac uga dhigey deelley furan oo uu rajeynayo iney ka qeyb qaataan Abwaannada iyo Hal abuurka soomaaliyeed meel kastey joogaanba.

Wuxuuna Abwaan Mursal ku billaabey gabayga sidan:

HALKAAN KA DHAGAYSO GABAYGII

ü      Indhoweyto deelleydii gabay waanigaan dayine

ü      Dibnahayga waataan ka jaray dihashadiisiiye

ü      Hadba aniga oo daallan baa lay dirqayayaaye

ü      Aan daliisho waa tuu wax badan iga daboollaye

ü      Warka shalayto dool iigu yimi waa ka diir naxaye

ü      Deded baa I fuushoo markaba waa dubaaxiyeye

ü      Dakharraa wadnaha igaga dhacay doogta feedhaha e

ü      Durbaankaa I taagane qalbigu wey dalooshamaye

ü      Doqon baan ogeyn ee nin ragi way damqanayaaye

ü      Afartaa wax la iskuma dunshee daacad ma u sheegey

ü      Rag baa ararta dawl dawliyee diir maka caddeeyey

ü      Bal aan hoos u daadago waxbaan soo dallacayaaye

ü      Dadkeenii qurbaha aadey buu cuney dugaagiiye

ü      Da’yarteenii dhooftaa darxumo layga soo diraye

ü      Iyageys dillaalaa la yidhi waa wax qaab darane

ü      Dahabooyin keenii kacay raran ku duugeene

ü      Diiratey u hooyeen kufriga aan digiigixane

ü      Duul faranji iyo gaaladii baa ka doogsadaye

ü      Dumar taan gayaankood ahayn daaha loo rogaye

ü      Dalawadii irmaaneyd rag kale daawad soo godolye

ü      Dibjir iyo nin liitaa sidii diig u baacsada e

ü      Adduunyadan ninkii aan wed dilin daymo wow dhimane

ü      Ka duceysta waa duni qarriban dayrkan manta ah e

ü      Afartaa wax lays kuma dunshee daacad ma u sheegey

ü      Rag baa ararta dawl dawliyee diir maka caddeeyey

ü      Bal aan hoos u daadago warbaan soo dallacayaaye

ü      Dukhsi baan halkii boogle iyo diidin xaakada e

ü      Doorshuhu afkiisuu nijaas duuban mariyaaye

ü      Doofaarka waxa loo nacladay waa damiir xumo e

ü      Duqdii uu watay oo lala hadhuu darista quutaa e

ü      Dameerkuba marbuu qayliyaa dabada taagaaye

ü      War maxaad dalluunta u gasheen waa da’ xaajaduye?

ü      Dumarka iyo caarkii maxaa dooxatada siiyey?

ü      Daribta iyo hilibkii maxaa darayda saar saarey?

ü      Dagaagiyo maxaa habar dugaag duubyada dhuuxshey?

ü      Jidhkeenii daboolnaa maxaan daaha uga qaadney?

ü      Dahabkeenii ceydhnaa maxaa dibada soo taagey?

ü      Afartaa wax lays kuma dunshee daacad ma u sheegey

ü      Rag baa ararta dawl dawliyee diir maka caddeeyey

ü      Bal aan hoos u daadago waxbaan soo dallacayaaye

ü      Soomaali baa daahirow diiqsan waayadane

ü      Abidkoodba meeshii u daran waw durduriyaane

ü      Duul naarta lagu sii wadey awr ku dabataaye

ü      Diqda kama xishoodaan waqood weysku dayataaye

ü      Haddeeraa durbaan lagu tumoo ceebi daba taal e

ü      Daawashada intii aan narabin loo diyaafadiye

ü      Cadowgii na doon doonayaa heley dalool weyne

ü      Farxad iyo damaashaad cad bey wada dillaaceene

ü      Haddeeraa kuwii duulin jirey dabinta ruugaane

ü      Dihashada islaantii lahayd noqotey daan daane

ü      Dalka hadaad u deysaan sidaa uma dufowneene

ü      Dilbaa lagala cararoo dab baad kula dhowaateene

ü      Hadey dibirka cawlaan lahayd lama dulleysteene

ü      Hadey digada taagnaan lahayd lama dan qaadeene

ü      Dambigaa dhacana waalidkaa loo daldalayaaye

ü      Afartaa wax lays kuma dunshee daacad ma u sheegey

ü      Rag baa ararta dawl dawliyee diir maka caddeeyey

ü      Bal aan hoos u daadago waxbaan soo dallacayaaye

ü      Bal dayooy mushkiladaa dhacdiyo dabinka hoos yaalla!

ü      Bal dayooy carruurtaan dhalloo sii dabayshanaya!

ü      Bal dayooy durriyadaa dhanoon cidi kasoo doogin!

ü      Diintiyo islaamkiyo ka tage dhaqanka doorroone

ü      Dariiqii ibleys eedey bey darin u qaateene

ü      Degdeg waxay u jiidheen jidkii daallinka ahaaye

ü      Aabbaha dadkiisii lumee dabarka loo laaley

ü      Duqa maanta laga hoos baxay dani ku jiiftaaye

ü      Waxba gabaygu yuu ila durkine waxaan kusoo deyrey

ü      Muslimiinta dunidoo dhan baan baaq u dirayaaye

ü      Waa cudur dilaayiyo waxaan laga dawoobeyne

ü      Ninkii hadal ku daaweyn karow deelleydi furaye

ü      Dibnihiina kaashada bal aan eegno dabadeede

Comments 

 
0 #1 2011-07-29 01:21
Waxaa sumcad darro iyo waji gabax ku ah shacabka soomaaliyeed ee Muslimka ah in holiday dresses and green prom dresses
Quote
 

Add comment

Qoraalka Comment-ga Kama turjumayo Ra'yiga SPR. Hase ahaate waxa uu ka turjumayaa ra'yiga cidda qortay.


Security code
Refresh

Wareysi: Prof. AbdiWali Gaas

Hees: Boosaaso.. Xanfar Yare

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 1)

Dood Xasaasi Jubooyinka S.P.T.V (Part 2)

Wareysi Abwaan Qamaan CabdilWaaxid

Somali Public TV oo hawada soo galay

Sidee looga Ciidey Boosaaso

Run To Unite: Abdi Bile walks with Somalis in Minneapolis

Qandal: Ciidamada PL oo hub soo qabtey

Somali Community Minneapolis (Meet Your Representative)

Doodii Obama iyo Romney: Aragtida Somalida Minnesota

Minneapolis: Back to School Program

Cilmiga Badda: Barro Noocyada Kaluunka

BAAFIN: Sahra C/laahi Xuseen

BOOSAASO: Sideebaa looga ciidey?

Boosaaso: Tahriibayaal lasoo qabtey

Wiil 4jir ah oo ka war bixinaya Talaalka

Debate: Democratization of Puntland

Safari Restaurant; Your Choice for Iftar

SAFARI

Presidential Candidate: A/rahman M. A.Hashi

aabdirahmanhashi

Gabay: Salah Donyale

Minneapolis: Musharax Cabdiqaadir Yaasin Warsame

Barnaamijka Haweenka

doorkahaweenkagolahadeegaan

Doorka Haweenka Ee Burcad Badeeda

9656fa3efc512cc7d1146776c8ea9f23_XL

Dood: Dimuquraadiyeynta Puntland

dimuquraadiyeyntaPLdood

Featured Videos