Website URL: E-mail: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Minneapolis (SPR): Tareenka dheereeya oo loo yaqaan LRT ayaa si toos ah isugu xiri doona magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis iyo St.Paul, bilowga sanadka soo socda. Tareenkaan ayaa soo dhex mari doona xaafada Cedar/ Riverside ee Somaalidu ugu tirade badanyihiin guud ahaan waqooyiga America. Xaafadaan ayaa astaan u ah qowmiyada Somaalida, islamarkaana u ah halbowle dhaqaale iyadoo dadwaynuhu ay soo buux dhaafiyaan suuqyada xaafadaan.
Saamayn intee la’eg buu dhismaha tareenkani ku yeelan karaa ganacsatada Somaalida?
Saamayn intee la’eg buu ku yeelan karaa dhismahani dhaqaalaha Somaalida?
Jaamacada University of Minnesota oo cilmi baaris ka samaysay saamaynta dhismayaasha wadooyinka tareenadu ayaa tilmaamtay in dhismayaasha caynkani ay sara u qaadis ku sameeyaan canshuuraha iyo kirada dhismayaasha ganacsi iyo kuwa hooyba.
Hadaba Idaacada Bulshada Somaliyeed ee Somali Public Radio ayaa arimahani ka waraysatay koox la magacbaxday “Don’t Pass Us By.” Kooxdaan oo ka kooban hay’ado ka hawlgala xaafada Cedar ayaa qaban doona barnaamij dood cilmiyeed ah taarikhdu markay tahay 06/15/2013.
Link: http://www.youtube.com/watch?v=WECZaz_WSr0
Hoos Ka Daawo:
Minneapolis (SPR): Daqiiqado kahor doorashada ayaa waxaa aalada Microfoonka lugusoo dhaweeyey Musharax Abdi Warsame iyo Xildhibaanad Phyllis Kahn. Xildhibaanada oo ku hormartay Microfoonka ayaa afka Somaaliga ugu sheegtay ergooyinka degmada Lixaad in ay garab istaagaan Abdi Warsame islamarkaana u codeeyaan.
Phyllis Kahn ayaa kamid ah siyaasiyiinta ugu waaweyn gobolka Minnesota iyadoo aqalka Baarlamaanka (State Representative) kusoo biirtay 1973, kuna guulaysatay doorasho walba ilaa iminka. Phyllis ayaa sidoo kale ah Professor dhigta maadada Biophysics.
Shacabka Degmada oo ruxaayey calamada Dalka Mareekanka ayaa sacab iyo sawaxan kusoo dhaweeyey musharax Abdi Warsame. Musharaxa ayaa ugu horayn u mahadnaqay dadwaynaha degmada Lixaad, isagoo ka warbixiyey shaqaduu haatan qabto iyo sababta uu isu soo taagay golaha degaanka degmada Lixaad ee Magaalada Minneapolis.
“ Waxaan hortiini u taagnahay anigoo ku faraxsan in aan ahay muwaadin Mareekan, anigoo jacayl kal iyo laab ah u qabo dalkaan, dooqiisi, dhaqankiisi, iyo dimuqraadiyadiisi. Waxaan halkaan u taagnahay anigoo markhaati u ah wanaaga nidaamka doorashooyinka dalkaan Mareekanka. Mareekanka oo qudha ayay suurta gal ka noqon kartaa, in aniga oo soo galooti ah, kana soo jeedo saboolnimo in aan u hanqal taago xilka u sareeyo magaalada Minneapolis. Waxaan horiini u taagnahay sidoo kale anigoo ah shaqsi rabo in aan idiinku adeego aragti tixgalinayso cid waliba,” ayaa kamid ahayd qudbada musharaxa oo ku baxay luqada Ingriiska.
Wajiyada dadwaynaha ayaa ka muuqatay shucuur wadaniyeed, iyadoo ay is garab fadhiyeen rag iyo dumar, caruur iyo ciroole, Muslim iyo Christian, cadaan iyo madow.
Musharax Abdi Warsame ayaa sidoo kale taabtay shucuurta dadka kasoo jeeday jinsiyada Cadaanka (Caucasian Americans), kadib markii uu soo hadal qabsaday oraah uu yiri aqoonyahan Irish ah.
Abdi Warsame ayaa yiri “Ishortaagaygi aan hortiini taagnahay ayaa waxay i xusuusinaysaa oraahdii hal-abuurkii Irishka ahaa George Bernard Shaw oo ahayd;”Wax baad aragtaa, markaasaa waydiisaa maxay tahay sababtu? Aniguse waxbaan ku riyoodaa oo aan horay u jirin, waxaana iraahdaa maxaysan u jirin.”
Daawasho Wacan: http://www.youtube.com/watch?v=mOm3QW3GM54
Abdi Warsame, a visionary leader breaks the glass-ceiling barrier and eclipses his incumbent Lillegren in Ward 6.
By Abdulqudus Donyale
I have lived in Minneapolis since I was 7 years old, and for the first time in my life I have never felt more at home despite owning a housing property and the fact that my kids were all born in Minneapolis. There was always this inherent thought in the back of my mind, which prescribed me to a pre-destined utopia (Somalia) that was compatible with my identity. So I developed a distant relationship to a place, of which my only contact had been a deep sense of love and imagination.
This relationship of joy and sorrow had prompted me to take action in the past several years. I had co-founded a public radio in the Northeastern Somali region of Sanaag (Somali Public Radio). I felt as if it was my duty to try to impact the desperation and the disorder of the powerless, but part of me was in search for a sense of belonging and a place to call home. For the first time in 18 years, the familiar colorful high-rises in Cedar Riverside and the Philips Community Center (former Boys & Girls Club) where I’ve had my first swimming lessons as a child felt like home.
I participated in the campaign efforts of the City of Minneapolis’ municipal elections, which had witnessed a new milestone of huge voter turnouts in Ward 6 since the last national election. The voter turnouts marked the growing diversity of the city, according to the Star Tribune. On Saturday, April 27th, The Democratic-Farmer-Labor Party’s (DFL) Ward Convention endorsed Abdi Warsame, the state’s first DFL-endorsed candidate of East African descent.
Warsame, a young community activist, took on incumbent Robert Lillegren and won the DFL endorsement. The news brought on much excitement to the East African community in Minneapolis. Both local and international media outlets arrived at the campaign headquarter packed with a crowd of some 200 well-wishers including friends, families and community organizers.
“The impossibility has turned to a possibility,” Warsame told the crowd in Cedar Riverside neighborhood after a young girl in bright Hijab presented the U.S flag for the pledge of allegiance and a local teenager sang the national anthem.
Candidate’s Background
Abdi Warsame is a community leader and nonprofit organization Director in Minneapolis. Warsame played a key role in the re-districting process, which created the new Ward 6. Mr. Warsame was born in Somalia and grew up in the United Kingdom where he had studied and attained a BSc in Business and a Master’s Degree in International Business. He moved to Minneapolis in 2006, shortly landing a job in the financial sector.
“From the outset, I was mesmerized by the sheer beauty of the city and warmth of its people,” Mr. Warsame told residents of Seward neighborhood, reflecting on his first encounter with the twin cities.
He is currently the Board Chair of the Cedar Riverside- Neighborhood Revitalization Program (CR-NRP) as well as the Executive Director of the Riverside Plaza Tenants Association (RPTA). “My transition into the non-profit world stems from my passion to working for my community and impacting ordinary people’s lives,” stated Mr. Warsame at a community meeting in Cedar Riverside.
Changing the Political Map
A city redistricting map proposal was submitted to the Minneapolis Charter Commission on January of 2012 by Citizens Committee for Fair Redistricting, a group representing East Africans. The group was seeking a political map that was reflective of Minneapolis’s growing diversity. "If there was proportional representation on the Minneapolis City Council, five of the 13 wards would be represented by people from the minority population," said Abdi Warsame who signed the proposal letter on behalf of the Citizens Committee
Mr. Warsame was the founder and a spokesperson for the Citizen’s Committee for Fair Redistricting, which took part in the redistricting process that aimed to create a more equitable and representative political map of Minneapolis, which would in turn create better opportunities for all residents of the City. The Citizen’s Committee lobbying was a historic success and today’s current map of the City including Wards 6 and 9 are a testament to their hard work.
Campaign Highlights
The movement surpasses a specific agenda or a political platform. Its core proposition is not only to break barriers and change perceptions but also to lead to natural growth of a common goodwill---collective perception and understanding of local issues and options for improvement.
“This campaign is about transforming our community from isolation into awareness and active participation,” says Mohamed Jama, founder of the Cedar Riverside Youth Council and a campaign organizer.
There was an extraordinary show of support and energy as early as a year away from the DFL caucus night. Volunteers went hard at work pounding the pavement, hosting neighborhood forums and phone banking for Abdi Warsame’s DFL endorsement efforts.
This is a grand movement with multiple themes and layers. “To me it’s about my kids and creating a success story for them,” says Deqa Aden, a campaign volunteer.
And so to me it’s as interior, intimate effort on my part, to understand this movement and to find my place in it, which converges to a broader communal dialogue, a dialogue in which I am professionally engaged in, one that will shape our lives and the lives of our children for many years to come.
The Historic DFL Endorsement
Hundreds of delegates gathered in Ward 6 convention at Saint Mary’s University on Saturday April 27th, 2013. History was made as delegates elected the first East African for DFL endorsement with an overwhelming majority. The crowd erupted in cheers and waved American flags when Abdi Warsame stepped up to the podium to address the delegates. He touched on his platform in a summarized speech and drew inspiration from quoting the great Irish thinker George Bernard Shaw who said“You see things; and you say “Why?” But I dream things that never were; and I say “Why not?”
Despite what this endorsement means, hundreds from diverse communities came together, embracing the candidate’s unique life experience. It served them as a source of inspiration and as a tool to bridge communities.
He can be reached @ This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Minneapolis (SPR): Waxaa ka dhacday magaalada Minneapolis doorashada xisbiga Dimuqraadiga oo loosoo gaabiyo DFL ee Degmada Lixaad magaalada Minneapolis. Doorashadaan ayaa waxaa u codeeyey ergooyin tiradoodu kor u dhaafayso 300, iyadoo qowmiyada East Afrikaanka ay kamid ahaayeen ergooyinka ugu badan oo doorashada soo xaadiray.
Doorashadaasi ayaa waxaa ku loolamaayey 3 musharax oo kala ah Robert Lilligren, Maxamed Cali iyo Abdi Warsame. Doorashadaasi oo ku dhamaatay jawi aad u wanaagsan ayaa waxay socotay mudo 8 saacadood, iyadoo ergooyinka ay muujiyeen deganaan iyo dulqaad.
Robert Lillegren ayaa ka tanaasulay doorashada xisbiga, kadib markii uu bilowgii doorashada uu saadaaliyey inuusan ku guulaysan Karin doorashada. Doorashada ayaa loo cod qaaday Abdi Warsame iyo Maxamed Cali iyadoo boqolkiiba 99 (99%) ergooyinka degmada lixaad ay u codeeyeen mudane Abdi Warsame.
Bilowgii sanadkii hore ee 2012 ayaa gudi somaaliyed oo la magacbaxay Citizens Committee for Fair Re-districting soo bandhigay degmo cusub oo qariirada kusoo biirta. Gudigaan ayaa himiladoodu ahayd helis degmo ka kooban xaafadaha Somaalida islamarkaana u gogol xaarayso guulo siyaasadeed qowmiyada Somaalida. Gudigaas oo la yimid hindisaha dib u qorida qariirada ayaa ku guulaystay in ay hantaan degmo isku xirayso xaafadaha Somaalidu ay ka degaan koonfurta magaalada Minneapolis. Jaraa'idyada kasoo baxo gobolka Minnesota oo si weyn u hadal haayey ololaha Somaalidu ay ugu jirtay dib u qorida qariirada ayaa ku tilmaamay natiijada qariirada cusub guul usoo hooyatay qowmiyada Somaalida.
Gudigaasi ku guulaystay in ay helaan degmo isku xirta xaafada Somaalida ayaa waxaa gudoominaayey mudane Abdi Warsame. Abdi ayaa sidoo kale ah gudoomiyaha ururka Riversid Plaza Tennent Association oo ah urur u ololeeyo danaha kira dhiibayaasha degan xaafada Cedar.
Doorashada ka dhacday degmada lixaad ee magaalada Minneapolis ayaa qortay taariikh cusub iyadoo Abdi Warsame uu noqday shaqsigii ugu horeeyey ee qowmiyada East Afrikaanka oo ku guulaysto doorasho xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Mareekanka.
Dhawaan waxaan idiin soo gudbin doonaa Video iyo warbixin dheeraad ah.
Guul Usoo Hooyatay East Afrikaanka Iyo Himiladeeni Isbadel-doonka oo ay hal talaaba ka hartay
Wixii umadi u kacdoo ee rabina aqbaloo way rumowdaa. Waxaan ugu hambalyeynaynaa dadyowga ku dhaqan degmada 6’aad ee magaalada Minneapolis guushii ay gaareen habeenkii talaadada taarikhdu markay ahayd 04/16/2013. Habeenkaasi oo ay doorasho ka dhacday 13ka degmo ay magaalada Minneapolis ka koobantahay, ayaa dadkii u badnaa doorashadaasi usoo baxay ay kasoo baxeen degmada 6’aad oo ah degmada ay ugu tirada badanyihiin qowmiyada East Afrikaanka.
Waxaan u mahadnaqaynaa dadwaynaha East Afrikanka oo dalabkeenii soo ajiibay, islamarkaana isu xilqaamay in ay ka faa’idaystaan nidaamka dimuqraadiyada iyo astaamaha uu galbiyo oo ay halbowle u tahay codaynta. Waa qiimo lagu cabiro xornimo, waa qiimo aadamuhu u halgamay, waa dhaxalka ugu qiimaha badan mareekan-nimadu la’isu gudoonsiiyo, taasi oo fursad inoo siinayso aa’ya katalinta mustaqbalkeeni iyo kan bulshadu oo aynu ku dhex noolnahay.
Kadib markii aad dedaasheen, kadib wacyi gelin dhexdiini aad iska samayseen, kadib midnimo aad muujiseen, waxaa rumoobay riyo raagtay oo rabina aqbalay, taasoo ah in boqolkiiba sagaashan (90%) ergooyinkii la qaybsanaayey ee xisbiga DFL degmada Lixaad ay noqdeen dad East Afrikaan ah oo ergo u ah mudane Abdi Warsame. Waa markii u horaysay qowmiyada East Afrikaanka tiro ergooyin caynkaaso kale ay heleen.
Waxaan u mahadnaqaynaa masaajida Muslimiinta, Ganacsatada iyo goobaha ganacsi ee East Afrikaanka, Hooyooyinka East Afrikaanka, Odayaasha Dhaqanka ee East Afrikaanka iyo dhinacyada kaloo bulshada East Afrikaanka oo door muhiim ah ka ciyaaray doorashadii (caucus) xisbiga DFL, guushii kasoo hooyatayna iska leh. Waxaan ka raali galinaynaa dadkii fursad aan u helin ergooyin inay noqdaan. Tirada ergooyinka la qaybsaday waxay ahaayeen 386 dadkii soo xaadirayna waxay ka badnaayeen 1300. Waxaan xusuusinaynaa in ra’yigooda iyo codkooda ay wakiil ka yihiin walaalahood fursada u helay in ay ergooyin noqdaan.
Maxaa Haray?
Waxaan xusuusinaynaa dadkii ergooyinka noqday in ay saarantahay mas’uuliyad, ayna wakiil ka yihiin xaafadooda iyo walaalahood. Waxaa laga rabaa ergooyinka in ay yimaadaan maalinta doorashada xisbiga DFL ee degmada 6’aad oo dhacaysa maalin sabti:
Taarikhda: 04/27/2013 Wakhtiga: 09:30 am (subax)
Goobta: Waa Hallka Jaamacada St Mary’s University oo ku taal 2500 Park Ave s, Minneapolis, MN 55404
Cidii nasiib u heshay in ay noqdaan ergo, islamarkaana gadiid u baahan, waxaan ula diyaar nahay gaadiid soo qaada sidoo kalena celiya. Waxay soo wici karaan:
Abdulqudus Donyale: 612-701-0913 ama Abdi Warsame: 612-991-4521 ama Ahmed Hersi: 612-735-1761
Minneapolis (SPR): Xildhibaanada caanka ah ee gobolka Minnesota, Marwo Phyllis Kahn ayaa si toos ah u taageertay musharaxa Somaaliyeed ee golaha degaanka magaalada Minneapolis, Mudane Abdi Warsame. Nuqul katirsan warsaxaafadeed ku saxiixan marwo Phyllis Kahn oo soo gaaray idaacada Somali Public Radio ayaa ku xusnaa in Marwo Phyllis Kahn ay taageerayso musharaxa Somaaliyeed islamarkaana ay ka codsatay taageerayaasheeda in ay garab istaagaan Mudane Abdi Warsame.
“Waxaa la gaaray xilligii golaha degaanka Minneapolis uu noqon lahaa mid isu dheela tiran islamarkaana ka tarjuma shacabka ku nool magaaladaan qarnigaan 21aad,” ayaa ku dhignaa warsaxaafadeedkaas. Marwo Phyllis Kahn oo sharaxayso sababto ay u taagertay Abdi Warsame ayaa ku sifaysay Abdi Warsame in uu yahay aqoonyahan u saaxiib ah waayo aragnimo, islamarkaana muujiyey karti iyo dedaal. Ugu dambayntii, xildhibaanada aqalka baarlamaanka Minnesota ayaa ugu baaqday shacabka degmada 6aad in ay ergo u noqdaan, mudane Abdi Warsame doorashada ergooyinka dhacayso taarikhdu markay tahay 04/16/2013 oo todobaadka inagasuoo food leh.
Waa tuma Phyllis Kahn?
Phyllis Kahn ayaa kamid ah siyaasiyiinta ugu waaweyn gobolka Minnesota iyadoo aqalka Baarlamaanka (State Representative) kusoo biirtay 1973, kuna guulaysatay doorasho walba ilaa iminka. Phyllis ayaa sidoo kale ah Professor dhigta maadada Biophysics. Marwo Phyllis ayaa qortay islamarkaana ansixisay qaar kamid ah sharciyada ugu saamaynta badan gobolka Minnesota oo ay kamid yihiin Minnesota Clean Air Act oo ay qortay islamarkaana ay horgaysay aqalka baarlamaanka 1975. Sharcigaan Minnesota ka hirgalay ayaa ah sharcigii ugu horeeyey ee mamnuucay sigaarka in lugu cabo goobaha bulshada sida maqaayadaha, goobaha waxbarasho, Airportka iyo goobaha kaloo lamid ah. Quburada indha indheeya siyaasada gobolka Minnesota ayaa ku tilmaamay taageerada cad ay ku taageertay musharaxa golaha degaanka ee Somaaliyeed mid saamayn weyn ku yeelan karta doorashada guud.
Musharax Abdi Warsame oo olalaha hogaaminaaya
Doorashada Xagay Maraysaa?
Doorashada golaha degaanka wajigiisi kowaad ee doorashada xisbiga dimuqraadiga ee DFL’ta ayaa haatan waxaa ku loolamaaya nin lagu magacaabo Robert Lilligren iyo Abdi Warsame oo kasoo jeeda qowmiyada Somaalida. Degmada 6aad ayaa lugu qiyaasaa 46% in ay ku noolyihiin qowmiyada Somaalida, iyadoo dadka Somaalida ay yihiin salka lugu xisaabtamaaya doorashadaan. Qaybaha kaladuwan ee culumada, waxgaradka iyo haweenka Somaaliyeed ayaa dhamaantooda taageera u muujiyey mudane Abdi Warsame, iyadoo saadasha u badantahay in uu ku guulaysan doono, islamarkaana noqon doona shaqsigii ugu horeeyey oo Muslim ah ee ku biira golaha degaanka Magaalada Minneapolis.
Doorashada Xagee bay ka dhacaysaa?
Doorashada ayaa waxay dhacaysaa talaadada inagusoo food leh ee taarkhdu markay tahay 04/16/2013, saacada markay tahay 06:30pm. Doorashada ayaa noqonaysa mid gacan taag ah, iyadoo loo codayn doono ergooyinka ansixin doona musharaxa guud ee xisbiga dimuqraadiga ee loosoo gaabiyo DFL.
1. Xaafada Cedar Riverside - Goobta ay ka dhacaysa waa Brian Coyle
2. Xaafada Seward - Goobta ay ka dhacayso waa Mathews Park
3. Xaafada Elliot Park- Goobta ay ka dhacayso waa Elliot Park Center
4. Xaafada Ventura Village (mallka 24ka) - Goobta Phillips Community Center
5. Xaafada Steven Square (sarta dheer ee 1920) - 1931 Nicollet (waa coffee shop kasoo horjeeda starbucks nicollet iyo Franklin)
6. Phillips West. 2700 & Park Ebinizer Towers
Hadaad su'aal qabtid ama aad doonaysid gaadiid ku qaada maalinta doorashada fadlan kalasoo xiriir gudiga ololah telfoonada kala ah:
612-991-4521
612-701-0913
Minneapolis (SPR): Munaasabad aad u balaaran oo lagu daah furay islamarkaana lugusoo bandhigay rugta keydka hidaha iyo dhaqanka Somaaliyeed ayaa ka dhacday magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota. Munaasabadaan ayaa lagusoo bandhigay heeso, riwaayado, sheekooyinka gaaban iyo waliba agabka hidaha iyo dhaqanka Somaaliyeed.
Mudane Cismaan Cali Guray oo ah aas'aasaha rugta keydka hidaha iyo dhaqanka Somaaliyeed oo la hadlay Somali Public Radio ayaa sheegay in xaruntani uu ugu talagalay in lagu baro dhalinta Somaaliyeed dhaqankooda islamarkaana aynu la wadaagno qowmiyadaha ku nool dalka Maraykanka dhaqanka Somaalida.
Tirada qowmiyada Somaalida ee ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa lagu qiyaasaa ku dhawaad boqol kun oo ruux iyadoo tiradaasi ay u badantahay da'yarta da'doodu ka yartahay 15jir. Tirakoobkii u dambaysay ee gobolka minnesota sanadkii 2010ka ayaa qaab qiyaas ahaan u tilmaantay in tirada Somaalida gobolka ee sii laba jibaarmayso.
"tirada dhalinta halkaan ku dhalatay oo sii kordhayso awgeed ayaa igu dhalisay in aan sameeyo goob lagu kaydiyo hidaha iyo dhaqanka Somaaliyeed," ayuu u sheegay mudane Cismaan Cali Guray idaacada Bulshada Somaaliyeed. Cismaan Cali Guray ayaa ah Abwaan curiyey gabayo iyo heeso aad u farabadan. Cismaan ayaa sidoo kale ah mulkiilaha Sanaag restaurant iyo Cafe.
Barnaamijkaan ayaa waxaa isku dabariday filimqaadaha Somaaliyeed islamarkaan qayb ka ah maamulka Idaacada Somali Public Radio mudane Wiil Waal.
Daawasho Wacan:
http://www.youtube.com/watch?NR=1&v=0daIikPdPBA&feature=endscreen
Minneapolis (SPR): Iyadoo laga joogo ku dhawaad sanad xiligii dib loo qoray qariirada magaalada Minneapolis, ayaa waxaa durba bilowday loolan u dhaxeeya murashixiin u hanqal taagaya golaha degaanka degmooyinka magaalada minneapolis. Warbixin maanta oo sabti ah ay daabacday joornaalka caanka ee kasoo baxo gobolka Minnesota ee cinwaankiisu ahaa "Magaalada Minneapolis oo arki karta xildhibaano da'yar qowmiyada kala duwan'na kasoo jeeda," ayaa ka warbixiyey loolan siyaasadeed oo xii xoogaysanaaya magaalada minneapolis.
Garyaqaan lagu magacaabo Jacob Frey ayaa joornaalka u sheegay in magaalada ay noqotay mid cusub, isagoo ku lifaaqaya qowmiyada East Africanka oo haatan magaalada saamayn ku yeeshay. Joornaalka ayaa sidoo kale sheegay in murashixiinta degmooyinka kala duwan ay wadaan olole ay ku doonayaan taageerida xisbiga awooda ku leh magaalada ee dimuqraadiga ee loosoo gaabiyo DFL.
Mar uu joornaalka ka warbixinaayey jawiga magaalada oo isbedelay ayaa waxay tilmaameen in dib-uqorida qariirada magaalada ay samaysay degmada lixaad oo lugu qiyaaso boqolkiiba 40% dadka ku nool ay kasoo jeedaan qowmiyada East Africanka. Abdi Warsame ayaa sidoo kale u sheegay joornaalka in loo baahanyahay xildhibaano kasoo kala jeeda qowmiyada kala duwan isagoona ku daray in qowmiyada East Africanka aysan waligood fursad u helin in xubin ka helaan golaha degaanka magaalada Minneapolis.
Mar uu joornaalka ka warbixinayaayey murashax Abdi Warsame ayaa waxay sheegeen in saamayn weyn uu ku lahaa dib uqorida qariirada sanadkii hore, isagoona ku guulaystay in uu dhaliyo qariirad fursad u siinayso siyaasada qowmiyada East Africanka.
Abdi Warsame ayaa la tartamaaya Robert Lilligren oo kursiga haystay 11 sano. Rober Lilligren oo u ekaa in uu ka cabsi qabo in kursigaasi lagaga guulaysto ayaa joornaalka u sheegay in somaalida ahmiyad gaar ah aysan siinayn qof Somaali ah oo qudha.
Warbixintaan ayaa kusoo aadayso xilli murashaxa Somaaliyeed ee Abdi Warsame uu wada olole xoogan iyo shirar isdaba joog ah uu la yeelanaayey dhinacyada kala duwan ee ku dhaqan gobolka Minnesota.
Warbixintii Joornaalka Star Tribune: http://m.startribune.com/local/?id=194560741&c=y
Waraysi Idaacada SPR ay la yeelatay Murashaxa Abdi Warsame: http://www.youtube.com/watch?v=Qde0RpAfvXU
Daawo Munaasabad Lagu Shaaciyey Murashaxnimada Abdi Warsame: http://www.youtube.com/watch?v=OCMH9-RiqXk
Minneapolis (SPR): Idaacada Somali Public Radio xarunteeda magaalada Minneapolis ayaa waxaa kusoo booqday qoraaga Somaaliyeed C/latiif Cige, oo dhawaan qoray buug lagu magacaabo Guban. Cabdilatif Cige ayaa ah bare wax ka dhiga jaamacada Columbia University ee magaalada New Yowrk. Buugan oo ku quran luqada Englishka ah ayaa waxaa uu qoraaga ku bidhaaminayaa qiso fictional ah oo ka hadlaysa taariikh kooban taniyo markii gumeysiga dalka Soomaaliya uu ka baxay ilaa iyo burburkii dowladii kacaanka
Idaacada Somali Public Radio ayaa ka waraysatay qisada buuga, goobaha kala gedisan (setting), wadayaasha qisada (characters), iyo waliba qaabka uu sheekada u dhigay. Buuga Guban ayaa laga heli karaa inta badan goobaha laga iibsado buwaagta, sida Amazon, Barnes & Noble, iyo waliba kuwa kaloo farabadan.
Xusuusin: Waraysiga ayaa ku baxaayo luqada Englishka.
Daawasho Wacan.
Minneapolis (SPR): Bilowgii sanadkii hore ee 2012 ayaa gudi somaaliyed oo la magacbaxay Citizens Committee for Fair Re-districting soo bandhigay degmo cusub oo qariirada kusoo biirta. Gudigaan ayaa himiladoodu ahayd helis degmo ka kooban xaafadaha Somaalida islamarkaana u gogol xaarayso guulo siyaasadeed qowmiyada Somaalida. Gudigaas oo la yimid hindisaha dib u qorida qariirada ayaa ku guulaystay in ay hantaan degmo isku xirayso xaafadaha Somaalidu ay ka degaan koonfurta magaalada Minneapolis. Jaraa'idyada kasoo baxo gobolka Minnesota oo si weyn u hadal haayey ololaha Somaalidu ay ugu jirtay dib u qorida qariirada ayaa ku tilmaamay natiijada qariirada cusub guul usoo hooyatay qowmiyada Somaalida.
Idaacada SPR ayaa waraysi la yeelatay gudoomiyihii gudigaasi, haatan'na ah musharaxa golaha degaanka degmada Lixaad ee Magaalada Minneapolis aqoonyahan Abdi Warsame. Musharaxa ayaa ka warbixiyey halgankii dheeraa ay u galeen dib u qorida qariirada xaafadaha Minneapolis isagoona tilmaamay in ujeedadoodu ahayd in ay mideeyaan qowmiyada Somaalida si ay fursad siyaasadeed u helaan.
Daawo barnaamij aad u xiisa badan.
Eastleigh Peace Festival connects Somali youth worldwide
Speaker Mohamed Osman Jawari: New Hope for Somalia
Qaar ka mid ah hugaamiyaashii isimada Puntland oo dib ugu soo laabtay Magaalada Garoowe
Nairobi:- General Ilka Jiir oo Qado Sharaf la Qaatay Xubinaha Jaaliyada Gobolada Sanaag,Hayland iyo Bari ee dalka Kenya +Sawiro
Shirkii Garoowe oo lasoo idleeyay iyo Qodobo hordhac ah oo kasoo baxay.
Xoghayaha Qaramada Midoobay oomaanta Muqdisho kasoo dagay.
DHAGAYSO Maxay tahay Danta Soomaalida Masar ee Doorashadii Maxamed Mursi.
DHAGEYSO--- Barnaamij wareysi ah oo ka hadlaaya Jirdhiska---- Raage Cali
